LIVE DHAGEYSO:- Kulamo Xiriir Ah Oo Xalay ilaa maanta Ka socda Magaaladda Jig Jigga Ee Xarunta DDSI.

0

Magaalada Jigjiga ee Xarunta ismaamulka Somalidda Ithobia, waxaa ka socda kulamo u dhaxeeya masuuliyiin ka socota Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ismaamulka Soomaalida dalka Ethiopia, wada hadaladaasi oo ku saabsan qaabka xalinta dagaalada soohdinta ka taagan.

Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo’ ayaa sheegay in ay rajeynayaan in wada hadalada ay kasoo baxaan wax miro dhal ah, maadaama ujeedka socdaalkooda uu yahay sidii loo xalin lahaa dagaalada.

Madaxda Ismaamulka Soomaalida dalka Ethiopia ayaa lagala hadlayaa sidii xal loogu heli lahaa dagaalka u dhaxeeya dadka deegaanka iyo sidoo kale ciidamada Liyuu Booliiska.

Wafdi uu hogaaminaayo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad, ayaa shalay ka ambabaxay Magaalada Muqdisho, iyadoo ujeedka ay tahay sidii dagaalada loo xalin lahaa.

HOOS KA DHAGEYSO WARBIXIN: