TOP DHAGEYSO:- Maamulka Tooratorow Oo Ka Waramay Ka Qabsashada Deegankaasi ee All-Shabaab.

0

Ciidanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ay wehliyaan kuwa AMISOM ayaa Goor-dhow si buuxda ula wareegay Deegaanka Tooratorow, ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo Al shabaab 5 Sano ka talinaysay.

Gudoomiyaha Deegaankaasi Gabow Bulle Ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidanka Huwanta ah ay kasoo weerareen Deegaanka dhowr Jiho oo dhanka Awdheegle iyo Qoryooley ah, kadibna waxaa u suurta gashay inay si Nabad ah kula wareegaan markii Al shabaab ay isaga baxeen.

Xaaladda Deegaanka ayaa ah mid deggan, iyadoo Ciidanka la wareegay ee DFS iyo AMISOM ay Difaacyo ka samaysteen Dibadda Deegaanka, si ay uga hortagaan Weerar Rogaal-celis ah oo Al shabaab uga yimaada.

Deegaanka Taaratorow, ayaa waxa uu Al shabaab u ahaa Saldhig muhiim u ah, oo ay kasoo qaadi jireen Weerarada ka dhanka ah Ciidanka Dowladda iyo AMISOM ee ku sugan Qoryooley, Awdheegle & Buur-hakaba oo Gobolka Baay kamid ah.

Hoos ka dhageyso codka Gudoomiyaha: