TOP SAWIRRO:- Manchester United Oo Ku Durdurisay Liverpool Ayadoo Joogta Gurigedda.

0

Laba gool oo uu dhaliyay Juan Mata ayaa guul siiyay Manchester United, isagoo labada gool dhaliyay labada qeyb ee ciyaarta, Sturridge ayaana dhaliyay goolka calanka Reds ay ku dhalisay gurigeeda.

Manchester United haatan waxey adkeysatay kaalinteeda afaraad iyadoo shan dhibcood ka saramartay Liverpool oo ah kooxda kusoo xigtay.

Daqiiqadii 4-ad ee ciyaarta Raheem Sterling ayaa soo daba maray Daley Blind isagoo kubad ka helay Allen, si qurux badan ayuu sidoo kale ku dhaafay Jones, balse kubadii waxaa kaga soo hormaray De Gea oo qabsaday.

Juan Mata ayaa si qurux badan u dhameestiray kubad uu meel qurux badan ka siiyay Ander Herrera daqiiqadii 11-aad ee ciyaarta ayuuna si qurux badan lugta midig ugu dhameestiray.

David De Gea ayaa ku dhagay kubad uu dhinaca bidix ee garoonka kasoo laaday Alberto Moreno, iyadoo kubada uu markii hore soo dhisay Coutinho daqiiqadii 30-aad ee ciyaarta.

Adam Lallana ayaa iska qasaariyay kubad uu barbaro ugu keeni lahaa kooxdiisa markii Sturridge uu kubad furan farta ka saaray isagoo ku sugan xerada ganaaxa, si qurux badan ayuu lugta bidix goolka ula tiigsaday balse banaanka ayey ka martay daqiiqadii 35-aad ee ciyaarta.

Waqtigii dhimashada qeybta hore ciyaarta Micheal Carrick ayaa tijaabiyay goolka uu waardiya ka yahay Simon Mignolet, inkastoo kubad halis ah uu ku tuuray goolka hadana goolhaye Mignolet ayaa si habsami leh u qabsaday.

Qeybtii hore ciyaarta ayaa lagu kala maray 0-1, oo ay hogaanka ku heyso kooxda Manchester United, Juan Mata ayeyna kaga mahad celineysaa goolka.

Qeybtii labaad ayaa la isku soo laabtay iyadoo labada kooxood ay bilaabeen iney is ugaarsadaan kabtan Gerrard ayaana lasoo galiyay iyadoo Lallana Uu baxay.

Laba daqiiqo waxaan dhameen ayuu garoonka ku jiray Steven Gerrard, casaan toos ah ayaana la siiyay madama uu si kas ah ugu istaagay Ander Herrera oo ay kubad ku dagaalameen.

Coutinho ayaa tijaabiyay goolka uu waardiyaha ka yahay De Gea, balse kubadii gantaalka aheyd oo uu goolka la beegsaday hawada ayuu mariyay.

Juan Mata ayaa hogaanka u dheereeyay Manchester United daqiiqadii 59-aad ee ciyaarta, markii uu kubad qurux badan oo qalaama-rogaal ah ka dhaliyay Liverpool.

Daniel Sturridge ayaa dhaliyay gool soo celiyay niyada kooxda Liverpool isagoo lugta midig si qurux badan ugu dhameestiray daqiiqadii 69-aad ee ciyaarta.

Liverpool ayaa sameysay weeraro  ay ku dooneyso iney isaga soo gudo goolka lagu leeyahay inkastoo aysan dareemin iney nusqaan tahay.

Emre Can ayaa xerada ganaaxa ku riday Daley Blind waqtigii dhimashada ciyaarta, rigoore ayaana lagu abaalmariyay United, Wayne Rooney ayaa usoo istaagay inuu dhaliyo balse kuma guuleysan Mignolet ayaa ka badbaadiyay.

Manchester United ayaa guul ku gaartay Anfield waana dhib ay ka gudubtay iyadoo guul muhiim ah ka gaartay Liverpool, waxeyna adkeysatay booskeeda afaraad iyadoo laba dhibcood u jirta booska labaad hal dhibicna u jirta booska sadexaad.

Daawo sawiradda:

978 1070 1367 1368 1542 1637 2237 3194 4173 5165 6137 7116 11131 12108 hihi2_2015-03-22_14-56-55-640x360