TOP DHAGEYSO:- Dhinacyada ku dagaalamay Deefoow oo isku eedeeyay Mas’uuliyada Dagaalka.

0

Labo Maleeshiyo beeleed ee shalay ku dagaalamay Deegaanka Deefoow ee Gobolka Hiiraan ayaa dhinacba dhinaca kale waxa uu ku eedeeyay in uu isaga mas’uul ka yahay Dagaalka kadib dood gaaban oo ay u qabatay Idaacadda Mustaqbal.

Mid ka mid ah Odayaasha ayaa sheegay in Dagaalka uu ka dhashay kadib markii Deegaankooda ay weerar kusoo qaadeen Maleeshiyo beeleedka kale, isaga oo sheegay in Dagaalkii shalay uu ahaa mid ay kusoo ceshanayeen Dhulkooda sida uu Warka u dhgigay.

Dhageyso

Dhinaca kale ee shalay laga qabsaday Deegaanka ayaa sheegay in Maleeshiyaad isaga yimid meelo badan oo Dalka ah ay Weerar kusoo qaadeen Deegaanka oo uu sheegay in iyaga leeyihiin balse ay kusoo duuleen dhinaca kale sida uu warka u dhigay.

Dhageyso:

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuldareestay inay heshiis rasmi ah dhexdhigto Beelaha oo mudo ku dhow Labo Sano ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan.