(Dhageyso) Maamulka Bacaadweyn “Anaga Shaqo Kuma Lihin Shirka Dhuusamareeb”

0

Maamulka degmada Bacaadweyn ee gobalka Mudug ayaa sheegay in aanay jirin wax shaqo ah oo ay ku leeyihiin shirka dib u heshiisiinta ee ka soconaya degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobalka Gal-gaduud, islamarkaana aanu jirin cid matasha degmadaasi.

Gudoomiyaha degmadaasi Axmed Daahir , ayaa sheegay in aanu jirin waxgarad ka baxay degmadaasi, islamarkaana ku sugan degmada Dhuusamareeb si ay shirka dib u heshiisiinta ah uga qeyb galaan.

“Waxaa jira beelo badan oo dirirsan walaalo ah, illaa hadana aan heshiin, hadii shirkaasi loo qaban beelahaasi waa gaarkeed, laakiinse hadii dib u heshiisiin sax ah yahay beelaha dagaallamay ayaan ka mid nahay, waxaana cadeynaynaa in aan naloo yeerin, anagane shaqo kuma lihin shirkaasi, waa laga yaabaa in ay jiraan dad iska sheeganaya magaca degmadaan oo halkaasi tagay, balse waxaan leenahay Odayaal dhaqan dhammaantoodna halkaan ayeey joogaan” ayuu yiri Gudoomiyaha Bacaadweyn.

Degmada Dhuusamareeb ee gobalka Galgaduud waxaa ka soconaya shirka dib u heshiisiin ah kaasi oo ay ka qeyb galayaan beelaha degan gobalada Mudug iyo Galgaduud.

Halkaan Hoose ka dhageyso: