(Dhageyso) Muqdisho: Wariyaal Maxkamad la soo taagayo maanta.

0

Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa maanta lagu wadaa in la horgeeyo Mulkilaha Idaacada Shabelle C/maali Yuusuf Maxamuud iyo Afar Wariye oo Saddex kamid ah ay u shaqeeyaan Idaacadaha Shabelle iyo SKY-FM iyo sidoo kale Wariye  Maxamed Cabdi Cali oo Idaacada Risaala ka tirsan.

Qareenka u doodaya Wariyaasha Shabelle Abuukaate Cali Xalane ayaa Kulmiye u sheegay in Maxkamada Gobolka Banaadir maanta ay Dhageysan doonto Dacwada Wariyaasha islamarkaana ay Go’aan qaadan doonto.

Abuukaate Cali Xalane ayaa rajo ka muujiyay in ay ku  guuleystaan Dacwada maanta loo qaadayo Wariyaasha ku xiran Xabsiga dhexe iyo kuwa Damaanada ku jooga.

Ma ahan markii ugu horeysay  oo Wariyaasha Idaacada Shabelle  Maxakamada Gobolka Banaadir  la soo taago,iyadoona Dhowr jeer uu Dib   u dhacay Kiiska Dacwadooda.

Halkaaan Hoose ka dhageyso Codka: