Warsaxaafadeed: Waxgaradka Beesha Mareexaan Waamo Iyo Dhoobeey Oo Ka Hadlay Xogta Dhabta Ah Ee Jubooyinka.

0

Ku: Odayaasha dhaqanka beesha SADE shirka Garbaharay

Og. Madaxweynaha DFS

Og; R/wasaaraha DFS

Og: IGAD

Og: wakiilka QM

Og; Wakiilka UM AFRICA

Ujeedo Xogta dhabta ah ee Jubooyinka

Anago ku hadleyna codka bahweynta degen Jubada Hoose iyo Jubada dhexe ahana beesha Mareexan waamo iyo Mareexan dhoobay waxaan cabasho ka soo jeedinaynaa maamul xumida iyo amni darada ka taagan magaalada Kismayo oo wax badan ay ka hadleen saxaafadaha iyo odayaasha dhaqanka ee Mareexan waamo iyo midka dhoobey kuna cadeeyen dhibaatoyinka ka jira ee haysta dadkooda.

Ujeedka aan warka u soo saaranay waxaa ka mid ah in aan ka hor tagno in dulmi labaad noo la geysto taaso ah howsha ay hada wadaan maamulka Juba iyo kooxda sheegata in ay yihiin wakiilada IGAD oo doonaya in ay bilaaban xulashada dadkii ka mid noqon lahaa barlamaan uu yeesha maamulka lagu kala qeybsan yahay ee Juba.

Waxaan cadeeneynaa in aan nahay beelaha ugu tirada badan ee dega degaanka Jubada Hoose iyo Jubada Dhexe.

Waxaana ku cadeynayanaa sida hoos ku qoran.

Degmada Kismayo. Beeshan waa beesha ugu guryo badan isla markaana ku leh ganacsi iyo hotelada ugu weyn Kismayo oo haadan aan shaqeyn amni daro darteed. Marka laga hadlayo tuulooyinka Kismayo beesha waxaay ku leedahay ilaa 12 tuulo u gaar ah Mareexan iyo 9 tuulo oo lala degen yahay. Wara biyoodka ay Beesha Mareexan Sade ku leeyahay degmada Kismayo waa ilaa 230 u gaar ah.

Tuulooyinka lala dgen yahay waxaa ku yaala ilaa 90 warood oo ay dadka wadaagan. Ceelasha matoorka waa 3 ceel oo mareexan leeyahay.

Magacayada tuulooyinka waa sida hoos ku qoran:

1- Aboodin, 2- Doodaay, 3- Wadhadhi, 4- Berxaani, 5- Cabdidhoore , 5- Goobweyn, 6- Qaamqaam, 7- Raaro, 8- Jigeyse, 9- Yaqdabeyl, 10- Barjalaa, 11- Barore, 12- Galashuunbi, 13- Gabowgabdho, 14- Xaarxaar.

Marka la dhaqaaqo dhanka degmada afamdow waxaa si ballaaran u degen beelaha Mariixan iyo Absame, waa dhab in beesha Absame ay ku badan yahiin hadan am aha meel ayaga u gaar ah o keliya.

Beesha Marexaan Sade waxee ka degaan ilaa 15 tuulo oo xoolo dhaqato ah waxeey ku leeyihiin waro gaaraya ilaa 167 waro biyood. Magacyada tuulooyinka ay degen yihiin mareexan Sade waa.

1-Qoqani,2- Harbole,3- BiiBi, 4- Xayo, 5- Mido, 6- Caglibax, 7- Yeeya, 8- Jamar, 9- Magar, 10- Godaye, 11- Arboqarso, 12- Tabto, 13- Yaraa, 14- Welmarow, 15 Tortoraa

Degmada Jamaame oo ah degaan ay degen yihiin dad beeralay ah waxaa degen beelo aad u kala duwan, beesha Sade Mareexan waxeey ka degen yihiin Jamaame 25 tuulo, waxeey degaanka ku leeyihin ilaa iyo 120 beerood.

Ujeedka qoraalkan waa mid aan u gudbinayno dhamaan umada somaliyed iyo beesha caalamka si aan loo khaldin wax qeybsiga ay wataan kooxada maamulka Jubaland. Waxaan ka digeynaa in dadka degaanka wada degen ee walaalaha ah aysan dhaxdhigin colaad.

W/Q: Abdi Buraale Cali

Waxgaradaka Mareexaan Waamo Iyo Dhoobeey