(Dhageyso) Faah Faahin Labo Askari Oo isku Rasaaseeyay Buulo Burde Kadibna Labadii Ay Dhinteen.

0

Taliyaha Ciidamadda Dowladda Ee Dagmadda Buulo Burde Cabdulaahi barre cilmi Oo Saaka La Hadlayay Warbaahinta All-Galgaduud Media Ayaa Xaqiijiyay Geerida Labo Askari Oo Ka wada Tirsanaa Ciidamadda Dowladda Kuwaas Oo Shalay Galinkii Danbe isku Rasaaseeyay Gudaha Magaaladda Buulo Burde Ee Gobolka Hiiraan.

Taliyaha Ayaa Sheegay in Ay Is Rasaaseentaasi Ku Dhacday Si Khalad Ah Islamarkaanna Ay Aad Oga Xunyihiin Dhimashadda Labadaan Askari.

Ugu Danbeyn Ayuu Sheegay in Ay Xaqiijin Donaan Waxyaabaha Rasmiga Ah Ee Sababay Dhimashadda Askartaan Asagoo SHeegay iney Dib ka Soo Sheegi Doonaan Faah faahinta Arintaas La Xiriirta.

Hoos ka dhageyso Wareysigiisa Waxaanna Wareysanaya wariyehenna Yuusuf Cabdi shire.