(Sawirro) Maamulka kooxda Heegan oo Xaflad qado ah usameeyay Gabdhaha Heegan : Muqdisho.

0

Xaflada qado sharaf ah  ah o lagu maasuuyay guushii  Gabdhaha Heegan  ay gaareen Horyaalkii kubada gacanta  ayay Maamulka Naadiga  Heegan  sameeyay  Gabdhaha kubadda  Gacanta ee Heegan ee guusha gaaray.

Xafladan  qadada ah oo lagu qabtay Baar liido ee degmada Cabdi-casiis waxaan kaoso qayb galay maamulka, ciyartoyda, iyo Macalimiinta Naadiga  Heegan.

Gudoomiyaha Naadiga Heegan Maxamed Ibraahin Cabdi  oo xaflada ka hadlay ayaa sheegay sandkan ay  Gabdhaha kubada Gacanta Heegan soo bandhogeen ciyaar wanaasgan oo asluub leh koobkiina ay difaacdeen,maamulka uu abaal marinayo qayb kasta oo ka mid ah naadiga  Heegan ee guul soo hoyda, dadaal dheeri ahna samaysa

Amino Abuur Cumar ( Aamoow) oo ahayd ku guulaysatay  gool dhalinta  Horyaalka kubada gacanta Gabdhaha, uu kuhadlaysay Magaca ciyaartoyda ayaa  u mahad celiyay Macalimiinta kooxda  o atabar wanaasgan siiyay  iyo maamulka oo mar walba dhiira gelin ula taagnaa inta uu tartanka socday.

Maamulka  Heegan ayuu  sanadkan sanadkii tagay u ahaa sanad wacan kadib marki ay ku guulaysteen Horyaalkii kubada kolayga, Horyaalkii kubada gacanata Wiilal iyo Gabdho, horyaalka  ciyaaraha fudud, waxayna sanadkan ku rajeyo wayn yihiin in ay ku gulaystaan horyaalka kubadda cagta oo  oo ay kooxda adkaatay dhamaan kulamadii ay ciyaartay horyaalka.

IMG_0911IMG_0918IMG_0955IMG_0956IMG_0962IMG_0976IMG_0987IMG_0989IMG_0995IMG_1962IMG_2332IMG_2377IMG_2392