(Sawiro) Xulka Ivory Coast oo ku guuleystay koobka Qaramada Qaarada Afrika.

0

Xulka qaranka Ivory Coast ayaa ku guulaystay koobka qaramada Afrika ee 2015 kadib markii 9 iyo 8 gool oo rigoorayaal ahaa ay ugaga badiyeen xulka Ghana ciyaartii finalka ahayd,

Ciyaarta finalka ahayd oo aad loo sugayay ayaa 90kii daqiiqadood ee la ciyaaray aan wax gool ah labada kooxba aysan dhalin, 30kii daqiiqo ee dheeriga ahaana sidoo kale goolal waa ay kala dhalin waayeen, waxayna sababtay in rigoorayaal lagu kala baxo. Waxaa halyayga Ivory Coast noqday goolhayaheeda Barry kaas oo ka badbaadiyay rigoore xulkiisa isagiina uu goolahayaha Ghana rigooradiisii ka dhaliyay.

Xulalka qaramada Ivory Coast iyo Ghana oo isugu yimid finalka koobka qaramada Afrika ayaa dib u celiyay xusuusta iyo finalkii 1992 , markaas oo ay sidan oo kale isugu yimaadeen finalka koobka qaramada Afrika. Ghana oo sanadkii 1992 laga qaaday koobka ayaa doonaysay inay markeeda ka aarsato Ivory Coast balse waa u suurtogeli weyday riyadeedii.

Kulankan finalka koobka qaramada Afrika ayaa si fiican garoonka loo soo buux dhaafiyay, waxayna labada xul qaranka isku soo diyaariyeen sidii ay u hanan lahaayeen koobka qaramada Afrika ee 2015.

Ghana ayaa ciyaarta ku bilaabatay qaab ciyaareed fiican waxayna abuurtay fursado wanaagsan. Ghana ayaa inta badan qaybta hore ee ciyaarta kubbada haysatay waxayna markasta halis ku ahayd goolka Ivory Coast. Ivory Coast ayaa u muuqatay in khadka dhexe lagaga xoogan yahay, laakiin qaybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbaro gool la’aan ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay labada xul qaran ku jireen taxadar xad dhaaf ah waxayna ka cabsi qabeen in ay qaladaad sameeyaan oo ay dhib ku noqoto. 90kii daqiiqo iyo weliba daqiiqado dheeri ah oo lagu daray waxba waa la kala dhalin waayay waxayna ciyaartoyda labada dhinac u muuqdeen kuwo kala baqaya.

Markii dib loo bilaabay waqtiga dheeriga ah ayay labada kooxood u muuqdeen inay daal badan dareemayaan, laakiin haddana waxay samaynayeen fursado aan halis ahayn. 30kii daqiiqo ee dheeriga ahaa ee ciyaarta lagu daray ayayna labadan xul qaran wax gool ah iska dhalin waayeen taas oo sababtay in lagu kala saaro rigoorayaal.

Rigooradii ugu horeysay waxaa laadatay Ghana waxaana udhaliyay Wakaso, Ivory Coast ayaa waxaa u soo baxay weeraryhanka dhowaan ay Man City la soo wareegtay Wilfried Bony balse wuu qasaariyay ugu horeeyay ka qasaariyay. Jordan Ayew ayaa kan labaad udhaliyay Ghana balse Ivory Coast ayaa haddana waxaa ka qasaariyay Gadji Tallo 2-0 ayay noqotay. Waxaa rajada ivory Coast soo celiyay Barry oo ka badbaadiyay Afriyie Acquah, halka uu Ivory Coast si fiican ugu dhaliyay.

Arrinta ayaa isbedeshay markii haddana mar kale Ghana markale uu ka qasaariyay Acheampong. Waxayna noqdeen barbaro Hadaba Ivory Coast ayaa u dhaliyay Seydou Doumbia, Adre Ayew ayaa rigoorada shanaad udhaliyay Ghana. Yaya Toure ayaa xulka qarankiisa isaguna rigoorada shanaad u dhaliyay Ivory Coast. Min shantii jeer ee ugu horaysay ee la tuurtay ayaa barbaro ku dhamaaday.

Waxaana dib loo bilaabay rigoorayaal cusub laakiin qaybta cusub ayaa noqotay mid ay si fiicaan labada xulba u dhashadeen. min afar jeer oo kale ayay dhamaantood shabaqa soo taabteen. Balse ugu danbayn waxay soo gaartay goolhayayaasha, waxaana ku horeeyay oo tuuray goolhayaha Ghana waa laga qabtay isagiina waa laga dhaliyay sidaa ayayna guushii ku raacday xulka Ivory Coast 9 iyo 8.

 _80873639_ivorycoastplayers3_80873188_yaya_80868959_barryscoresfinalka afrika (1)

finalka afrika (2)

finalka afrika (3)

finalka afrika (4)

finalka afrika (5)

finalka afrika (6)

finalka afrika (7)

finalka afrika (9)

finalka afrika (10)

finalka afrika (11)