(Sawirro) Xaflad lagu daahfurayay Xalaqaat Cilmi ah oo lagu qabtay Gaalkacyo.

0

Xafldaani oo ahayd mid si aada loosoo agaasimay ayaa waxaa ay furitaan u ahayd Xalaqaat lagu baranayo Cilmiga Shareecada oo ay soo Qaban qaabisay Mu’asasada Al-Minha

​​(Mudug) , waxaana Xalaqaatkaani ay ka dhasheen kadib Nadwo Culimada Soomaaliyeed ay ku qabteen Laascaanood.

Xaflada ayaa waxaa lagu qabtay Qaybta Sare ee Masjidka Ramadaan ee Magaalada Gaalkacyo waxaana kasoo qayb galay Culimada Magaalada, Dhalinyarada, Haweenka,Ganacsatada,Isimada iyo dhamaan Qaybaha Bulshada.

Aayadaha Qur’aanka ah ayaa lagu furfuray Xaflada waxaana intaasi kadib Hadalka qaatay Gudoomiyaha Mu’asasada Al-Minhaaj (Mudug) Muxamed Saciid Muuse waxaana uu ka hadlay Ahmiyaha ay leeyihiin Xalaqaatka iyo ujeedada laga leeyahay waxaana uu sheegay in Xalaqaatkaani ay leeyihiin Manhaj Culimada ay Diyaariyeen isla markaana soconaya Muddo 4 sano ah oo lagu dhamaynayo Faniyada Culuumta Shareecada Hadafka ugu wayn oo laga leeyahayna uu yahay soo saarida Culimo Ducaad ah oo Cilmiga Gudbin kara, Ragga ayaa waxaa ay Duruusta Qaadanayaa Habeenkii halka Gabdhuhu ay qaadanayaan Galabtii waxaana Ardayda ka faaidaysa Guud ahaan ay gaarayaan 309 Qof oo Rag iyo Dumar isugu jira.

Sh.Aadam Muxamed Cigaal Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika (Gaalkacyo) ayaa isaguna ka hadlay Xaflada waxaana uu u Habmalyeeyay Dhalinyarada isaga oo ku booriyay inay ku dadaalaan Barashada Cilmiga iyo Xifdigiisa waxaana uu intaasi ku daray in Shiikha rabaanigaa uu yahay midka Dadka bara Cilmiga kiisa Yaryar inta uusan midka waaweyn u gudbin, Ardaydana looga baahanyahay inay wadadaas qaadaan meesha loo socdana ee ah kitaabada waaweynna la gaari doono.

Hormuudka Kuliyada Shareecada ee Jaamacada Bariga Afrika-Gaalkacyo Ustaad Badal Maxamuud Suggule ayaa waxaa uu si faahfaahsan uga warbixiyay Barnaamijka Xalaqaatka waxaana uu sheegay Xalaqaatku inay u kala qaybsan yihiin kuwo Dadka Guud ah iyo kuwo si gaar ah loogusoo saarayo Culimada Mustaqbalka.

Waxaa kaleoo uu sheegay in Xalaqaatka Guud looga gol leeyahay in Dadka labaro wixii ay Alle ku caabudi lahaayeen (Aasaasiyaatka Diinta) Xalaqaatka kalana lagusoo saarayo Culimo Waxaana xooga la saarayaa Daraasaynta iyo Xifdiga Faniyada lagu Baranayo waa  :

العقيدة – القرآن وعلومه- الحديث وعلومه – الفقه وأصوله – السيرة النبوية والتاريخ الإسلامي- السلوك- اللغة العربية وعلومها .

Sh.C/xakiim Muxamed Xirsi oo kamida Culimada wax ka Akhrinaysa Kutubka Xalaqada ayaa waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in 4 Waxyaabood laga helo Ardayda iyo Culimada intaba si uu uguulaysto Barnaamijka Xalaqaatka waxaana ay kala yihiin: Taqwo,Ikhlaas,Juhdi iyoSabir = Alle ka cabsi, Baraxtirid,Dadaal iyo Dulqaad.

Maxamuud Aw Faarax oo kamida Ganasatada ayaa waxaa uu sheegay in Barnaamijkaani uu yahay Jaamacad barax la’ ayna Muhiim tahay inay laga faaidaysto, Farxaan Sh.Cali oo ku hadlayay Magaca Odayasha ayaa sheegay in Qofkii ka faaidaysta Barnaamijkaan uu noqonayo isaga oo yar Shiikh ay u istaagaan Dadka waaweyn oo Maamuus iyo Qadar Dadku ay hayaan Dhalintana looga baahanyahay inay ka faaidaystaan.

Sh.Xuseen Cigaal Canshuur ayaa Gaba gabadii Xaflada loo xiray waxaana uu Dardaaran Mug wayn siiyay Dhalinyarada iyo Ardaydii Xaflada kasoo qayb gashay waxaana uu sheegay in uu noo yimid Hanuun iyo Nuur Alle agtiis ka yimid Dad Culimo ahna ay noo keeneen Alle Qofkii raaca uu Janno ku Hanuuniyo Bulshada looga baahanyahay inaysan Dayicin.

Sikastaba ha ahaatee Barnaamijkaani ayaa waxaa uu noqonayaa kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee laga hirgaliyo Magaalada Gaalkacyo waxaan ka qayb qaadanayo Culimo dhawr ah oo loosoo xulay Baritsta Dhalinta Cilmiga Sharciga ah.

DSC04184 DSC04187 DSC04192 DSC04199 DSC04202 DSC04213 DSC04218 DSC04225 DSC04231 DSC04235 DSC04236 DSC04240