Suurtagal Ma Tahay Soo Noqoshadda Wasiirro Hore (Akhri Xog Badan).

0

Warar Lagu Kolsoonaan Karro Oo Ay Heleyoso Warbaahinta All-Galgaduud Media, Ayaa sheegaya in Reysulwasaare Cumar Cabdirshiid Cali Sharmaake, Uu Waddo Wada Tashiyaddii Ugu Danbeeyay Ee Uu Ku Soo Dhameystirayo Xumnaha Golaha Wasiiradda Ee Xukuumaddiisa Cusub,

Wararka Laga Helayo madaxtooyadda Ayaa Ah Kuwo isa soo taraya Ayadoo Reysulwasaaruhu Hoyan Harsanna, Waxaanna uu Ku Jahwareersanyahay Xukuumadda Cusub iyo Wadadda Uu Umaraya iyo Sidii Uu Uqancin lahaa Baarlamanka.

Mid Kamid Ah Saraakiisha Xafiiska Reysulwasaaraha Ayaa Sheegaya in Ay Udhowdahay in Cumar Cabdirshiid Uu Dib Usoo Cesho Faarax Shikh Cabduqaadir Oo Marar Badan Soo Laa laabtay, Waxaanna Khilaafka Faarax Uu Ka Kacay Markii Uu Isbadal ku Sameeyay Reysulwasaarihii Kalsoonidda Lagala Laabtay Ee Cabdiwali Shikh Axmed.

Faarax Shikh Cabduqaadir.
Sawirka Faarax Sh Cabduqaadir.

Waxaanna Madaxtooyadda Ka Soconaya Shirar isdaba Joog Ah Oo Aan kala Joogsi Laheyn, Kuwaas Oo Cumar C/rishiid Kaga Tashanayo Golihiisa Cusub Ee Laga Sugayo, Maahan Dhagaha Dadka Wax Ku Cusub in La soo Cesho Wasiir Hore Laakiin Dadka Soomaaliyeed Ayaa Aad Ugu Aragti Kala Duwan Soo Celinta Wasiirkan Hore,

Lama oga tirada uu ka bedeli doono 20-kii Wasiir ee uu horay u magacaabay Ra’iisul Wasaaruhu, laakiin waa dareen mar walba ku taagan xubnahan magacaaban, maadaama aanay aheyn Xildhibaano, hadii la bedelana ay culeyskooda lahaan lahaayeen.

Dadka Magacaaban Waxaa Kamid Ah Dr. Sahro Maxamed Cali Samatar Waa Mid Kamid Ah Dumarka Udhaq Dhaqaaqa Xaquuqda Aadanaha Waxaanna Loo Magaacay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arimaha Bini Aadantinimadda, Ayadoo Uu Dhalay Gen. Maxamed Cali Samatar Oo Ahaa Madaxweyne Ku Xigen Xiligii Allaha Unaxariistee Marxuum Maxamed Cali Samatar.

sahro
Sawirka Drs. Sahro Maxamed Cali Samatar.

Waxey Sanadihii Udanbeysay Ku Nooleyd Dalka Mareykanka Ayadoo Sida La Sheegay La Tacaalaysay Dacwad Ka Dhan Ah Aabaheed Oo Ka Socotay Dalka Mareykanka, Waxaasse Ay kamidka Tahay Xumnaha Saldhigga U Ahaan Jiray Ururka Tayo Ee Reysulwasaare maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Waa Suurtagal in Isku Shaan dheentaan Ay Booska Ka Saarto Kuwo Magacaaban, Ayadoonna Loo Badinayo Soo Noqoshadda Kuwo Cusub Oo Uu Horboodayo Faarax Shikh Cabduqaadir, Waa Hadii La Qanciyo Kudladaha Baarlamanka Ee Xil Doonka Ubadan.

Sidoo kale Wasiir kuxigeenada iyo Wasiiru dowlayaasha ayay u badan tahay inay ka yimaadaan Baarlamaanka, waxaana tallaabadan ay tahay mid uu u qaadayo sidii uu ku yareyn lahaa culeyska baaxada leh ee uga imaanaya Baarlamaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xoojiyay wada tashiyadiisa uu la lahaa Xildhibaanada Baarlamaanka labadii maalmood ee u dambeeyay, waxaana Ra’iisul Wasaaruhu uu haatan heystaa lix cisho oo uga harsan mudada 10-ka cisho ee dheeraadka uu weydiistay Baarlamaanka inuu ku soo dhameystirayo Xukuumadda,

Waxaa Reysulwasaaraha Dhawaan Shir Jaraa”id Oo Uu Qabtay Uu Ku Sheegay inuu Ku Jahwareeray Siyaasadda Dalka Ee Cakiran.

Ugu Danbeyn Dowladda Somaliya Ayaa Umuuqata Mid Xiligeddi Ku Dhameysatay Muran iyo Is Heysasho Waxaanna Laga War heyn Xaaladdi Dalka iyadoo Hakad Ay Galeen Hormaradii Lagu Dhameystiri Lahaa Maamuladda Goboladda Dhaxe, Koonfur Galbeed Somaliya,, iyo Kooxda Raaskanbooni Ee Uu Wato Axmed Maxamed (Madoobe)

Isha Ku Hay All Galgaduud Medi Oo Kala Soco Wixii Warar Ah Ee Ku Soo kordha Arimahaas.

By: Yuusuf Cabdi Shire ,

All-Galgaduud Medi, Xafiisk Boosaso, Bari.