War cusub: Imisa Jagooyin Sare ah ayuu u magacaabey beeshiisa? | Xuseen Nuur

0

Imisa Jagooyin Sare ah ayuu u magacaabey beeshiisa? | Xuseen Nuur, – —Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa waxaa uu talada dalka kusoo boodey isagoon cidna saadalineyn sababo badan oo jirey awgood, ka dib markii uu dafey hal ku dhagii markaas taagnaa oo ahaa Isbedal doon.

Xasan Sheekh oo isagu isu muujiyey inuu yahay nin doonaya inuu wax ka badalo musuq maasuqii iyo ku takri falkii hareeyey nidaamka dowladeed ee Soomaaliya tan iyo xiliyadii biloowga burburka dalka, ayaa wuxuu soo xirtey dhar (maali’igeed) cad cad asagoo hoostana ka talaaley geedo tiin tiin ah oo deg deg u faafey sidii kansakii oo kale nidaamka dowladeed iyo hay’adaha dalka dalka dhexdooda, isagoo salka u dhigey cadaalad darro iyo musuq maasuq tii ugu balaarneyn.

Hadaba ayadoo ay badanyihiin qaybaha cadalad darro iyo musuq maasuqa ee hareeyey dalka,  xiligii koobnaa ee uu marooqsadey talada ayaan waxaan hadda wax yar ka sheegeynaa hal qeyb oo ah dadka ay isku beesha hoose yihiin ee uu jagooyinka sar sare dalka uga magacaabey anagoo ka cudur daaranaynaa inaan helin intii badnayd magacyada dadkaas oo aad u tiro badan.

Sidoo kale waxaan u cudur daaranaynaa beesha sharafta leh ee uu kasoo jeedo oo ayadu aan takrifalkaas si guud loogu tirin karin maadama ay wadaan shaqsiyaad kooban.

Wax qaybinta noocaan ah ee madaxweynaha ayaa nasoo xasuusinaysaa sheekadii Dawacadaoo markii ay aragtey dhabaaxadii Dhurwaa ku dhacdey sida yaabka leh wax u qaybisey oo tiri (hilibaha ma bar mise bar, bar libaaxoow qaado”. Barkii soo haray; “ma bar mise bar, bar libaaxoow qaado”. Markii danbena waxay tiri  akhirkii w “Libaaxoow  hilibaha wada qaado).

Madaxtooyada

  • La taliyaha Madaxweynaha ee Arimaha sharciga: Abuukaate Cumar Dhageey, Abgaal Daauud
  • La taliyaha arimaha Carabta: Daahir Maxamuud Geelle, Abgaal waceysle
  • La taliyaha arimaha dibadda: Ciise Dheere, Abgaal, Harti/ agoonyar
  • La taliyaha amniga Qaranka. Xasan Sh. Cali , Harti/agoonyar
  • Madaxa baratakoolka Madaxtooyada: C/raxmaan Kampla, Abgaal, Waceysle.
  • Agaasimaha Warfaafinta madaxtooyada, Shadoor, Abgaal, Harti/warsangali
  • Shaqaalaha rayidka ah ee madaxtooyada: Abgaal 97%
  • Guutada ilaalada: Abgaal qiyaastii 99.98%

Xafiiska Raisul Wasaaraha

  • La taliyaha Sharciga R/Wasaaraha: Abuukaate, Ciise Maxamuud, Abgaal, daauud
  • Agaasimaha arimaha Islaamka iyo Carabta ee R/Wasaaraha; Cumar C/laahi ,Abgaal, waceysle

Agaasimayaasha iyo xoghayayaasha joogtada ah

  • Xoghayaha joogtada ah ee wasaradda arimaha gudaha iyo fedraalka: Ismaaciil Jumcaale, Abgaal, Harti/warsangali
  • Agaasimaha Guud ee Wasaarada gaadiidka iyo circa iyo dhulka:Dhagaxtuur, Abgaal Harti/agoonyar
  • Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Fedraalka:  Cali Abtidoon Xalane, Abagaal Waceysle
  • Agaasimaha Canshuuraha Barriga: Muxuyadiin sabey, Abgaal, harti Abgaal

Garoonka Diyaarada Muqdisho iyo dakadda

  • Mareeyaha Garoonka Aaaden Cadde: Cali Ibaraahim (Cali Madoobe) Abagaal ,Daauud
  • Maareeyaha Dakadda Xamar: Xasan Macalin, Abgaal,Waceysle

Gobolka Banaadir

  • Gudoomiyaha Gobolka Banaadir: Xasan Muungaab, Abgaal, wacbuudhan
  • Duqa magaalada Muqdisho: Xasan Muungaab, Abgaal Wacbuudhan
  • Gudoomiyayaasha Degmooyinka: 60% Abagaal
  • Gudoomiye ku xigeenada dagmooyinka: 95% Abgaal
  • Agaasimayaasha waaxyaha gobolka: 95% Abagaal
  • Shaqaalaha Gobolka: Qiyaas 90% Abagaal (tani waa Qiyaas kaliya)

Ciidamada Milatariga

  • Taliyaha ku xigeenka Ciidanka Xoogga, ahna taliyaha saadka ciidamada: C/laahi Macalin Nuur, Abgaal waceysle, wiilkaan waa jeneraal waligiisna askari ma noqon
  • Taliyaha qaybta 2aad: Jen. Qaafoow, Abgaal, Harti

Ciidamada Nabad sugidda

  • Taliyaha Nabad Sugidda; C/raxmaan Tuuryare, Abagaal, wacaysle
  • Madaxa Danbi-barista, Nabadsugidda; Muuse Kalli, Abgaal
  • Madaxa Howlgaladda nabad sugidda, Muudeey, Abgaal
  • Madaxa hogaanka ciidamadda nabadsugidda, Xasan Bidaar, Abgaal

Booliska

  • Taliye ku xigeenka Booliska, ahna taliyaha KMG Jen Gas Gas, Abgaal, waceysle

FG: waxaa jira Saraakiil aad u tiro badan oo booliska ah oo beesha madaxweynaha oo hogaamada iyo talisyada Booliska ku kala magacaaban laakiin ma anaan helin wali.

Xafiiska IGAD & Hay’adaha Caalamka

  • U qeybsanaha dowladda Soomaaliya ee IGAD: Nuur Diinaari, Abgaal Harti/agoonyar
  • Xiriiryaha Hay’adaha Calamiga ah ee dalka jooga iyo Nadaxweynaha: Cali Sh. Maxamuud: Abgaal, Waceysle (Ninkaan waa madaxweynaha walaalkii, jagada uu hayana ma aha mid uu rasmi dagareeto madaxweyne kusoo baxdey laakiin waa awood idman)

Qandaraasyada iyo deeqa Turkiga

Howlahaan waxaa ay u xiranyihiin dhamaantood, reerka Madaxweynaha. Raga lagu naas nuujiyo ee aadka u tanaadeyna waxaa ka mid ah:

  • C/laahi Axmed Nuur, ninkaan wuxuu horey u ahaa wasiir u dowlaha Maaliyadda waa raga ku naaxey oo ku can baxay boobka deeqa turkiga, Keydmedia-na marar badan ay wax ka qortay Waa Abgaal, Harti/agoonyar
  • C/laahi Macalin Mukhtaar: Abgaal, Habar Nugaal- C/laahi Macalin Cabdulle: Abgaal, harti/warsangali

Codsi: Waxaan ka codsanaynaa Akhristayaasha sharafta leh ee Qoraalkaan ka akhrisaneysa bogga Keydmedia Online in ay noo soo gudbiyaan dadka aanan xasuusan ee jagooyinka sare haya ee madaxweynaha ay xigtada yihiin, noguna soo hagaajiya: huseen8@hotmail.com

Xuseen Nuur – huseen8@hotmail.com