Mudug-Xil-haye Aan Lala Xisaabtamin! W/Q.Cabdinuur Faarax Maxamuud

0

Gobolka mudug qaybta  Puntland ee waqooyi   waxaa  ragadiyey  mamul xumo  musuqmasuq iyo xilalka gobolka oo noqday kuwo Aan la iskula xisaabtamin  xil-haye aan lala  xisaamtamin wuxuu xalaal sadaa xoolaha dadwaynaha   xarumaha maaliyadda  gagidda Diyaaraddaha  kastamyadda ilaha dhaqaale  yaa la xisamtama?. yaase xilalka u dhiibay yaase xil ka qaadis ku samayn doona?waa su,allah goboolka  ka tagaan had iyo jeer..

Waxaa  jira khilaaf baahsan oo hadda ka jira  Gaalkacyo  taaso sababay inay istaagaan gabi ahaanba dhamaan shaqooyinkii maamul mid gobol iyo mid dagmo , waxayna taasi abuurtay qalalaaso siyaasadeed   dhaqaale xumo  ka jirta Gaalkacayo  qaybteeda Puntland  ha ka eegin guri shaqsi  dhistay  laakiin ka eeg dhanka  wax soo saarka gobolka  haddii ay noqon lahayd  canshuurta oo loo mamul si saxa haddii ay noqon lahayd in gobolka an looga faa ‘iideeyn istiraatiijida ganacse ee uu leeyahay iwm..

Waxaa xilkii iska casilay dhawaan taliyihii qaybta in kastoo an laga aqbalin  istiqaaladiisii waxaa  gobolka ka tagay siyaasiin u dhashay gobolka oo  sheegay  mudug inay dhammanteed  hoostagi doonto gobollada dhexe  taasoo kenatay in Xukumadda Puntland  ay ku xukuntay xabsi daa,in  dhammaan markii aad  eegto  qalalaasaha Gobolka Mudug qaybtiisa Puntland  waxaa ku soo baxay inay sabab  u tahay  la xisaabtan la, aan ka jirta Gobolka xilalka gobolka oo noqday dhaxal tooyo iyo  musuqmasuq dhanka mamulka iyo dhaqaalaha  ku sabsan..

Mudug   waxay  ku taal meel istiraatiiji ah waxay xudduud la leedahay   dawlad deegaanka Soomaali   galbeed  dhanka  kale  waxay ka mid tahay gobollada dhexe ee Soomaaliya  waa magaalo bur-burkii  aad   u dhisatay   siiba dhanka waqooyiga  ee  Puntland  waana  magaalo leh fursado wawayn  oo ah dhanka  ganacsiga   waa haddii loo sameeyo istiraatiijiyad ganacsi..

Galkacaayo  waxay ka mid tahay  magaalooyinka ugu halista badan Soomaaliya  waxaa  mar-mar ka dhaca   dagaalo ay isku gaystaan Bulshada wada dagta gobolka Mudug magaalo madaxdiisuna  tahay  Gaalkacayo..

Mudug  waxaa  wada  dagaan bulsho Soomaaliyeed  oo ku kala duwaan qabaa,iil ahaan   waxay ka mid tahay  meelihii  ay ka dhaceen dagaaladdii sokeeye ee Soomaaliya ka  qarxay 1991,

1998, Markii dhidibada loo taagay mamul Goboleedka Puntland  hadana loogu yeero Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Gobolka Mudug qaybtiisa  Puntland  waxay  qayb wayn ka ahayd  xoojintii iyo asaaskii  Puntland. dadka qarkii waxay dhahaan mudug waa Hooyadda puntland laakiin waxaad mooda mas ‘uuliyiinta hogaamisa Puntland inay iska iloobeen Gobolka mudug qaybtiisa Puntland..

Bulshada Mudug  waxaa lagu sheegaa  inay yihiin kuwo dulqaad leh samir leh inta badana xeeriya  tanta guud  waxaase  jira mamulayaasha gobolka  inay yihiin kuwo eex  iyo musuqmaasuq   hareyey  waana mida keentay  horu socod la ‘aanta gobolka..

Madaxwayneyaashii Puntland soo hogaamiyey teer  iyo xiligii la asaasay Puntland markii laga reebo xiligii Cabdulahi Yusuf   waxay  ka war wareegan inay gobolka mudug   Caddaalad iyo sinaan  wax  ugu qabtaan haddii ay noqon lahayd sinaanta sharciga sinaanta  saamiga  Gobolka iwm..

Gobol wuxu ku hormara   wax  soo saar uuleeyahay   iyo miisaaniyadda uu ka helo  Dawladda dhex  waxaa kale oo gobol lagu hormariya in mamulkiisa iyo ilihiisa dhaqaale loo dhiibo  mas,uuliyin xil kasa kuna  fakara hormarka bulshada   waxase  muhiima gobolku inuu helo mamulayaal aan musuqmasuqin  canshuurta gobolka ka soo xaroota  markaas ayaa  kaabayaasha  dhaqaale ee gobolka la hormarin karaa..

Hayeeshee  Mudug waa ka duwan tahay  sidaas  waxaana gobolka ilihiisa dhaqaale xalalaystay xubno aan lala xisaabtamin  xeerka iyo sharciguna uusan qaban  waana midka keentay in gobolka mudug uu wajaho jaha wareer  dhaqaale  mid  mamul xumo iyo sinaanta sharaciga  oo an loo sinayn..

Maaliyadda gobolka  waxaay u xiran tahay hal siyaasi  kaasoo aan laga badalin  su’aasha meesha taal  Gaalkacayo ma laga waayey xisaabiye kale oo xilkaan qabta? maxaase  xil mas ,uul ku dhajiyeye  maaliyadda gobolka  dad aya ku doodaya  xarunta maaliyadda inay jifo u xiran tahay  laakiinse  waxaa  xaqiiqa  inay u xiran tahay siyaasi xalalaystay  xoolaha dadwaynaha..

Dhanka Garoonka diyaaraddaha  waxaay  u xiran tahay hal maareeye  lama badalo asaguna ma ogala in la badalo  waa yabe maxaa xilalka gobolka ka dhigay kuwo aan lala xisaabtamin   maxayse   mas’ uuliyiinta Puntland uga warwareegaan Mudug? haddiise  ilaha dhaqaale ay shaqsiyaad u calaamadaysan yihiin gobolka  baaxada wayn sidii lagu hormarin kara? sidee bulshadu canshuur ku bixin karaata..

Musuqmasuqaas  iyo la xisaabtan la, aantaasi waxay keentay in xittaa ciidankii amniga Gobolka loo waayo  mushaarkoodii

Taasoo marar badaan kenaty in ciidanka amanka gobolka mudug ay  ku dhaqaaqaan inay gadood sameeyaan xitta  aman xumo ku dhaqaqaan..

Todobaadyo ka hor Gudoomiyaha gobolka mudug mr Tigey ayaa u tagey Garoowe tagay sidii  uu madaxwaynaha  ugu gudbin lahaa  dhibatooyinka  gobolka mudug ka tagaan  kadib markii lagu guul dareystay inuu Madaxweynuhu wax ka qabto cabashada uu ka muujinayo Tigey Adeegyada iyo Musharaadka Xafiiska Gobolka oo uu ka gooyay bilihii u dambeeyey Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda  tani waxay ku caddaynaysa  xitta guddoomiyaha Gobolka inuusan awood u lahayn inuu la xisaabtamo  xubnaha  ilaha dhaqaalaha ee gobolka joga..

Ugu dambayntii  madaxwanaha Puntland oo bulshada u ballan qaaday  isbadal siyaasadeed  waxaa  looga fadhiya  inuu isbadalkii  ka dhabeeyo  inuu  gobolka mudug ka dhigo meel  sharcigu ka shaqeeyo loona siman yahay  sharciga iyo kala dambaynta Madaxwaynaha   waa inuu dhammaan  xubnaha gobolka  curyaamiyey  uu  xilalka ka xayuubiya   waa inuu waliba la xisaabtama si loo helo caddaalad iyo sinaan.

Waxaa  qoray Cabdinuur Faarax Maxamuud

Email-abdinuur02@gmail.com