Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta ansixiyay hindise sharciyeedka Hanti dhowrka Qaranka.

0

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka Hanti dhowrka Qaranka oo ka mid ah hindise sharciyeedyada horyaala Baarlamaanka, iyadoo hidisahan uu maray saddex marxaladood ee aqrinta hindise sharciyeedyada.

Ilaa 12 Mudane ayaa Gudoonka Baarlamaanka u gudbiyay mooshin ah in hindise sharciyeedkan loo codeeyo, si loo soo afjaro doodii maalmahan ay Xildhibaanada ka lahaayeen, waxaana ugu dambeyn Xildhibaanada isku raaceen in loo codeeyo.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari oo shir gudoominayay kulanka ayaa ku dhawaaqay in cod loo qaado hindise sharciyeedkan, waxaana uu ka codsaday Xildhibaanada in si degenaan ku jirta cod gacan taag ah ugu qaadaan.

Intaasi kadib ayaa waxaa 154 xildhibaan ay ku ogolaadeen hindise sharciyeedkaas, halka afar Xildhibaan ay diiday, iyadoo aanay jirin cid ka aamustay, waxaana Gudoomiyuhu oo ku dhawaaqay natiijada uu sheegay in hindise sharciyeedka Hanti dhowrka Qaranka uu yahay mdi ansax ah.

Hindise sharciyeedka oo uu ku howl galayo Hanti dhowrka Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax ayaa la filayaa inuu wax badan uu xakameeyo, gaar ahaan la socodka dhaq dhaqaaqa hantida guud ee Qaranka iyo ka hor-taga iyo baarista musuq maasuqa ee hey’adaha iyo wasaaradaha Xukuumada.

Si kastaba ha ahaatee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa horyaala hindise sharciyeedyo dhowr ah, kaasoo la doonayo in sanadkan ay ansixiyaan, iyadoo mid ka mid ah uu yahay sharciga la dagaalanka Argagixisada.