Maqaal xiiso badan leh:- Maxaa kaaga baxay Golaha wasiirada cusub? (Qormo)

0

Sharma’arke ayaa markii labaad ku dhawaaqay golihiisa wasiirada, kuwaasoo ka kooban 20 wasiir una badan wajiyo cusub. Golaha wasiirada cusub waxaan gebi ahaan ka dhex muuqanin xibnihii muranka ka taagnaa iyo xibna baarlaman toona. Sharma’arke ayaa sheegay inuu wasiradan ku soo xushay kartidooda, iyo inay dalka gaarsiiyaan higsiga 2016.

Wasiiro ku xigeenadi ayuu sheegay inuu dib ka soo magacaabidoono, asaga oo sabab uga dhigay waqtiga oo ku yar iyo howlihii dowladda oo hakad galay. Raiisul wasaaraha ayaa baarlamaanka ka codsaday inay meelmariyaan wasiiradan cusub si ay howlahooda u gudagalaan.

                                                   FAAQIDAAD

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa 17 kii December , 2014, mudane Sharma’arke u magacaabay xilka ra’iisul wasaaraha cusub ee Somalia, xilli mooshin muran dhaliyay xilka looga tuuray raiisulwasaarihii hore ee dalka mudane C/weli Sheekh, mooshinkaas oo la rumeysnaa inuu soo abaabulay madaxweyne Xassan oo taageero ka helay qaar ka mid ah xildhibaanada iyo golihii wasiirada ee xilligaas.

Sharma’arke ayaa 8 dii bishan Janaayo 2015 ku dhawaaqay gole wasiiro oo ka koobnaa 25 wasaaradood, kuwaasoo markii dambe uu dib ula noqday, ka dib cadaadis kaga yimid golaha shacabka oo ka biyodiiday qaar ka mid ah golaha wasiirada islamarkaan ku goodiyay inay qaadici doonaan hadii la horkeeno.

26 kii bishan ayey xubno ku midaysan wax loogu yeeray kutladaha Badbaado Qaran iyo Toosinta Talada Qaranka kulan  iskugu yimaadeen, iyagoo soo saaray war murtiyeed ay Ra`iisulwasaaraha uga digayaan inuu mar labaad soo magacaabo xibnihii ay diidanaayeen.

Xildhibaanadan ayaa horay raiisul wasaaraha ugu gudbiyay liis ay ku qornaayeen magacyada mas’uuliyiin soomaaliyeed, kuwaasoy sheegeen inaan lagu soo dari karin golaha wasiiradada.

Xildhibaanadan ayaa la rumeysan yahay inay dabada ka riixayaan dano siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale oo iyaga u gaar ah,  sida qaar xilal loo balan qaaday oo waayay ka dibna gadooday, iyo qaar tacasub iyo kooxeeysi ama qaab qabyaaladeed u qiireysan.

Raiisul wasaare Sharma’arke: shakhsi ahaan Raiisul wasaare Sharma’arke ma muuqato wax aragti siyaasadeed ah oo uu dalka ka leeyahay. Marka loo kuur galo qaabkuu u soo xulay golihiisa wasiirada marki hire iyo markan dambe labadaba, waxaa ka muuqata inuusan lahayn damac siyaasadeed oo fog, hammigiisuna yahay oo kaliya siduu ku qancin lahaa madaxweynaha iyo Xibnaha baarlamaanka, ama ku sii joogi lahaa xafiiska inta waqtiga ka dhiman.

Madaxweyne Xassan: waxaan aragnaa in boosaski ay baneeyeen ragii la jaalka ahaa madaxweyne Xassan ay soo buuxiyeen rag aan ka fogeyn raggii hore ama la fikir ah, sidoo kale wasiirkii hore ee cadaaladda mudane Faarax c/qaadir ayaa la rumeysan yahay inuu laba gooraba noqon doono hagaha daahsoon ee dalka ka hagidoona daaha gadaashii.

Xildhibaanada xil’doonka ah: waxaa muuqata in dalabkoodi siduu ahaa loo fuliyay, dhammaan mas’uuliyiinti ay magacdhabeena liiska laga saaray, hadaba su’asha waxay tahay ma qanci doonaan, mise halkiihoray ka sii wadi doonaan mooshinada iyo shirarka abaabulan, mar hadii iyagana sidoo kale la baalmaray oo aan qofna looga soo darin liiskan cusub ee wasiirada? (allow maxaa rag qabsaday way qarsanayaane).

Isku soo xooriyoo, Guud ahaan marka la fiiriyo habka awood qeybsiga dalka, waxaad moodaa in jagooyinka waaweyn laga ilaaliya dhanka beesha Raiisulwasaaraha. Jubaland oo ballama hore looga baxay, islamarkaana soo dhaweysay golihii wasiirada ee laga noqday ayaan la ogeny waxa ay ka yeeli doonaan golahan cusub ee lagu dhawaaqay.

Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta u dhoofay dalka Ethiopia, Jubaland, Puntland iyo Beesha caalamka ayaan ilaa iyo hadda wax war ah ka soo saarin wasiiradan cusub. Sidoo kale lama oga inay aqbali doonaan golaha baarlamanka.

Bishar Haji

b.haji114@hotmail.com