Dhageyso:Guddiga farsamada maamul u sameynta gobalada dhexe iyo QM oo ka shiray arrinta maamulka iyo shirka?

0

Gudiga Farsamada shirka Maamul u sameynta Gobolada dhexe’Xafiiska QM ee Soomaaliya iyo wasaaradda arimaha Gudaha ayaa Maanta kulan ka yeeshay dhismaha maamul Goboleedka Mudug iyo Galgaduud.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Xalane ee Taliska AMISOM ayaa looga hadlay sidii loo dar dar gelin lagaa Maamul u sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud iyo sidii Xubnaha farsamadu ay u tagi lahaayeen Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb oo uu shirku ka firmayo,

Waxa uu tilmaamay in la soo saaray bayaan dhowr Qodob ka kooban oo lagu iclaamiyay Xiliga uu shirku furmayo.

Afhayeenka ayaa xusay in 3-maalmood kadib laga dhabeyn doono dhamaan Qodobadii Maanta lagu heshiiyay oo ay ka mid tahay in Ciidamada AMISOM ay tagaan Magaalada Cadaado isla markaasina ay Kaalin Muuqata ka qaataan Xaqiijinta Amniga mudada uu shirku Socdo.

Halkan ka dhageyso: