Dhageyso:Isbitaalkii Magaalada Marko oo dib loo furay iyo Hay'ad la wareegtay howlaha Isbitaalkaasi

0

Isbitaalka Magaalada Marka ee Gobolka Sh.Hoose  oo mudo ku dhaw sanad xirnaa ayaa Maanta dib  loo furay ka dib markii Gudi loo xilsaaray hawsha Isbitaalkaasi ay ku guulaysteen in  dib uu u shaqeeyo Isbitaalka.

Hay’ada SWISS  ee Dalka SWIZERLAND  ayaa  la wareegtay  haysa hawsha isbitaalka  , waxaba hore  halkaasi uga baxday Hay’ada Kosovo oo sanado badan   maamulaysay shaqada  isbitaalka

Qaybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Marka ee Sh.Hoose ayaa ka qayb galay munasabadii  dib u hawlgalinta hawsha Isbitaalka Magaaladaasi.

Xubna ka socda Gudiga  ku hawlanaa in uu shaqeeyo isbitaalka Magaalada Marka ayaa sharaxay  sida ay ugu guulaysteen in shaqada isbitaalka mar kale ay bilaabato.

Halkan ka dhageyso: