Deg-Deg: Madaxweynaha dalka Turkiga oo lagu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho

0

Waxaa Goordhaw Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Aadan Cabddule Cismaan Aadan Cadde ka soo Caga dhigatay Diyaaradii watay Madaxweynaha Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdogan,waxaana Garoonka Diyaaeadaha ku soo dhaweeyay Madaxada Sare ee Dalka  sida Madaxweyne Xasan Sheikh,Gudoomiye Jawaari iyo Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan Salaan Sharaf uga qaatay Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM.

Recep Tayyip Erdogan ayaa Xariga ka jari doona Dhismaha Garoobka Diyaaradaha Muqdisho,Isbitaalka Xoogga iyo Xaruumo kale oo Turkiga uu Dib u dayactir ku sameeyay.

Amaanka Caasimadda Muqdisho ayaa Maanta si weyn loo Adkeeyay,iyadoona Ciidamo Farabadan la soo dhoobay Wadooyinka,waxaana Dadka iyo Gaadiidka intaba aan loo ogoleyn in ay isticmaalaan Wadada Maka Al-mukaramma.