Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa maanta laga bilaabay Howlgalo ka dhan ah gaadiidka aan wadan Taarikada uu bixiyay Maamulka Galmudug.
Taliyaha Cidamada Maamulka Gal- Mudug Cabdi Jamac ayaa Warbaahinta u sheegay in hawlgalada ay yihiin kuwo sii socon doono ilaa inta laga dhaqan gelinayo Awaamiirta uu bixiyay Maamulka Galmudug,
Waxa uu digniin u diray Taliyaha Wadayaasha Gadiidka ee sida xawliga ah u isticmaala wadooyinka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug isaga oo ku baaqay in dadku u dhega nuglaadaan Awaamirta la soo saaray.
Halkan ka dhageyso: