(Dhageyso) Hay’adaha Amniga Dalka Oo Fariin u Diray Dhalinyarada Ku Jirta Al-shabaab.

0

Hay’adaha amaanka dalka ayaa fariin u diray dhalinyarada ku jira Xarakada Al-shabaab, taas oo ku aadan in ay dowladda isku soo dhiibaan, islamarkaana heli doonaan daryeel.

Afhayeenka Hay’adahaasi Khaasim Axmed Rooble oo u waramay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan dhalinyarada Al-shabaab ka mid ah in dowladda isku soo dhiibaan, islamarkaana la marsiin doono nidaam gaar ah oo loo dejiyay dadka kasoo baxa Al-shabaab.

“Dhalinyarada waan soo dhaweyneynaa, xitaa waxaan soo dhaweyneynaa midkii horay dambiilaha u ahaa, taliyaasha aniga oo afkooda ku hadlayo amarka ay isiiyeen halkaan ka jeedinaya soo dhawoow, kasoo noqo wixii aad horay u haleysay, wixii dambi ah aad horay u gashay kasoo noqo, soo gal oo imaaw, nidaamkii laguu dejiyay iyo nidaamkii qolooyinkaasi loo dejiyay ayaad mareysaa, waa lagu hagaajinayaa, waxbaad baraneysaa, aadbaa laguu soo dhaweynayaa, dhalinyarada qaabkaasi ku jirta waxaa loo soo dhaweynayaa sida ugu mudan” ayuu yiri Afhayeenka.

Dhanka kale Afhayeenka hay’adaha amniga dalka ayaa sheegay in mudadii dowladda Federaalka jirtay ay gaartay isbedalo badan oo dhanka amaanka ah, islamarkaana ciidamada ay ku howlan yihiin kasii shaqeynta amaanka.

Dowladda Federaalka ayaa horay waxa ay fursad usiisay dhalinyarada ku jira Al-shabaab in ay dowladda isku soo dhiibaan, waxaana jira saraakiil ka mid ahaa Al-shabaab oo dowladda isku soo dhiibay oo uu ka mid ah Sheekh Maxamed Saciid Atam.

Halkaan Hoose ka dhageyso: