Warar degdeg ah oo hadda naga soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Maleeshiyada Raaskambooni ay dumarka guryaha kala baxayaan isla markaana ay qafaalanayaan gabdhaha.
Qof ku Sugan Kismaayo ayaa inoo xaqiiyay in gabdhaha adeegga suuqyada looga dirto inay jidka u galaan oo ay xoog ku kaxeystaan taasoo ka baxsan beni’aadanimada.
Xabsiyo gaar ah ayay u furteen kufsiga haweenka oo ay gabdhaha ay qafaalaan halkaas ayay geeyeen dabadeedna ay ku fara xumeeyaan.
Falkan gurracan oo ay sameynayaan dhallinyarada uu adeerka u yahay Horjooge Axmed Madoobe ayaa ku doodaya in adeerkood uu sidaa kula dardaarmay.
Sidoo kale, dadka masaakiinta ayay maleeshiyaadkani boobayaan kuwaasoo magaalada iska deggan, waxaana waxa dhibka Kismaayo ka wada ka mid ah ciidamo la yiraahdo Liyuu Boolis oo hoostaga maamulka Xabashiga ee horgale Cabdi Cumar.
Maamul Beeleedka Kismaayo ayaa dhibaato aan yareyn ku haya shacabka magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose oo ay kaga soo dulaan tageen dhulal fog fog oo ku yaalla baadiyaha wadanka Itoobiya.