Xildhibaan baarlamaanka ee ka soo jeeda gobalka Gedo ayaa dowladda Sooomaaliya ku eedeeyay inaysan shacabka gobalkaasi ka helin wixii ay kaga baahnaayeen.
Xildhibaan Muuse Sheekh Cumar ayaa sheegay in labadii xukuumad ee dalka soo maray wasaaradaha qaabilsan ay kala hadleen dab damisyo la geeyo degmada Baladxaawo oo dhowr jeer uu dab ka kacay ayaa sheegay inaysan ka helin wax jawaab ah.
Wuxuu dowladda Federaalka ku eedeeyay inaysan shacabka Gedo siinin adeegyadii ay u baahnaayeen sida Caafimaad, dab damisyo iyo adeegyo kale oo muhiim ah.
Xildhibaanka ayaa sheegay inay ku talinayaan in shacabka Gedo loo qabto adeegyada ay u baahan yihiin.
Halka hoose ka dhageyso codkiisa: