War Deg Deg Ah: Gudoomiyaha 3-da Gole Ee Ahlusuna Waljamaaca Sheekh Ibraahim Guureye Oo Ku Dhawaaqay Inuu Yahay Musharax U Tartamaya Madaxweynenimada Maamulka Gobolada Dhexe.

0

Wararka iminka naga soo gaaraya magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud ayaa waxa ay sheegayaan in maanta magaaladaasi uu uga dhawaaqay inuu Yahay musharax u tartamaya qabashada Xilka Madaxweynenimo ee maamulka gobolada dhexe gudoomiyaha sadexda gole ee Ahlununna Waljamaaca Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guureye.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guureye oo ka mid ah Maamulka Culumaa’udiinka Ahlusunna Waljaamaca ee Gobolada Dhexe in uu maanta ku dhawaaqay Musharaxnimadiisa Xilka Madaxweynenimo ee maamulka dhowaan loo dhisayo gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Sheekh Ibraahim ayaa maanta waxa uu soo gaarya magaalada Caabudwaaq isagoo kasoo kicitimay dhanka magaalada Muqdisho.

 

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media