Wararka iminka naga soo gaaraya magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud ayaa waxa ay sheegayaan in maanta magaaladaasi uu uga dhawaaqay inuu Yahay musharax u tartamaya qabashada Xilka Madaxweynenimo ee maamulka gobolada dhexe Ganacsade Cabdullaahi Cabdisalaam Ashkir (Cabdullaahi Garoon).
Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Ganacsade Cabdullaahi Cabdisalaam Ashkir (Cabdullaahi Garoon) oo ka mid ah qurbajoogta dib ugu laabatay dalka uu maanta ku dhawaaqay Musharaxnimadiisa Xilka Madaxweynenimo ee maamulka dhowaan loo dhisayo gobolada dhexe ee Soomaaliya.
Ganacsade Cabdullaahi Cabdisalaam Ashkir (Cabdullaahi Garoon) ayaa waxa uu kasoo jeeda deegaanada Waqooyiga gobolka Galguduud gaar ahaan Magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud, waxaan uu in mudo ah ku noolaa dalka dibeddiisa, waxa uuna si joogta ah qeyb uga ahaa dadaalada horumarineed ee deegaanada waqooyiga Galguduud.