Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalbaday in xeer ilaalintu sameyso baaritaan sax ah

0

Madaxweynaha Somalia xasan sheikh maxamuud ayaa si deg deg ah uga dalbaaday xafiiska xeer ilaalinta guud ee Qaranka in baaritaanno lagu sameeyo eedeymihii ka soo yeeray hanta dhowraha guud ee qaranka

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu yiri Madaxtooyada waxaa ka go’an in la isla xisaabtamo si hufanna loo shaqeeyo.

Madaxtooyada ayaa warkeeda intaas sii raacisay inay aad uga walaacday warka ka soo yeeray hanta dhowraha guud ee qaranka DR. Nuur Jimcaale Faarax oo sheegay in madaxtooyada ay ka hor istaagtay shaqadiisii.

Warkani waxa uu yimid xili Hanti dhowraha guud ee qaranka uu magaalada Muqdisho ka sheegay in hantiisa iyo shaqadiisa ay halis ku jirto kadib la xisaabtanka hay’adaha dowladda.