Wararka iminka naga soo gaaraya magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud ayaa waxa ay sheegayaan in maanta magaaladaasi uu uga dhawaaqay inuu Yahay musharax u tartamaya qabashada Xilka Madaxweynenimo ee maamulka gobolada dhexe Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guureye.
Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guureye oo ka mid ah Maamulka Culumaa’udiinka Ahlusunna Waljaamaca ee Gobolada Dhexe in uu maanta ku dhawaaqay Musharaxnimadiisa Xilka Madaxweynenimo ee maamulka dhowaan loo yagleelayo gobolada dhexe ee Soomaaliya.
Gudoomiye Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guureeye oo wareeysi gaar ah siiyay Warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa waxa uu sheegay inuu yahay musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynenimo ee maamulka Gobolada Dhexe Ee Soomaaliya, Sheekh Ibraahim ayaa maanta waxa uu soo gaaray magaalada Caabudwaaq isagoo kasoo kicitimay dhanka magaalada Muqdisho.
Isku soo wada duuboo Sheekh Ibraahim Guureeye ayaa waxa uu daboolka ka qaaday inuu yahay Musharax doonaya inuu u tartamo maamulka cusub ee dhawaan loo yagleelayo gobolada dhexe ee Soomaaliya.