Wararka Naga Soo Gaaraya Saaka Dagmada Baladxaawo Ee Gobolka Gedo Ayaa sheegaya in Dab Uu Ka Kacay, suuq Ganacsi Oo Ku Yaalla Dagmadaasi baladxaawo, Dabka Ayaan La Xaqiijin Sababta Rasmiga Ah Ee Sababtay.
Qaar Kamid Ah Dadka Deegaanka Ayaa Usheegay AGGM in Dabka Saaka Subixii Hore Uu Ka Kacay Tukaan Ku Yaalla Magaaladda Baldxaawo Ee Gobolkaasi Gedo,
Halka uu dabka kan kacay waxaa uu isbitaalka guud ee degmada Beledxaawo u jiraa masaafo lagu qayaasay boqol talaabo.
Waxaa Hadda La Sheegay in Lagu Guuleestay Daminta Dabkaasi, Ayada Oo Ay Iska Kaashanayaan Shacabka Deegaankaasi iyo Ganacsatada Suuqa Weyn Ee Dagmada Baladxaawo.
Maaha Markii Uhoreysay Oo Dab Noocaan Oo Kala Ah Uu ka Kaco Suuqa Dagmada Baladxaawo, Sanadkii Hore Ayeey Aheed Markii Dab Noocaan Oo Kala Ah Oo Sababay Qasaarro isugu Jirra Dhimasho iyo Dhaawac Uu Halkaasi Ka Dhacay.
Hoos Ka Dhageyso Mid Kamid Ah Dadka Deegaanka:
La Soco Wixii Ku Soo Kordha Haduu Alle idmo.