Shir jiraa’id oo uu maanta ku qabtay Magaalada Muqdisho Hanti Dhowraha Guud ee Dowladda Soomaaliya Dr Nuur Jimcaale Faarax ayaa sheegay in loo diiday Shaqadii uu u hayay Ummadda Soomaaliyeed ,waxaana uu Xusay in Shaqadii Xafiiska ay hada istaagtay.
Dr Nuur Jimcaale Faarax ayaa Tilmaamay in Shaqada Xafiiska laga joojiyay Madaxtooyada Soomaaliya islamarkaana Shaqaalaha iyo Asagaba loo diiday in ay Galaan Xarunta Madaxtooyada ,waxaana uu hoosta ka Xariiqay in Gaari uu watay Dhib la garsiiyay oo Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada ay falkaasi ku kaceen.
“Nafteyda ayaa halis ku jirta Xafiiska waxaa uu ilaa 1975 ka shaqeynayay Madaxtooyada Soomaaliya,ma aqaan maanta waxa lagu haysto,waxaa la diidan yahay Shaqada aan u hayno Ummadda Soomaaliyeed”ayuu yiri Dr Nuur.
“Maamulka ayaan weydiinay Arrinta Xanibaada waxaa noogula Jawaabay waa Xanibaad marka waxaan Cadeeyneynaa in Shaqadii aan Shacabka u haynay Madaxtooyada Soomaaliya laga Joojiyay”ayuu raacsaday hadalkiisa Dr Nuur Jimcaale.
Sidoo kale waxaa uu Baarlamaanka , Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha intaba ugu baaqay in ay Arrintaan ay Deg Deg wax uga qabtaan.
Madaxtooyada Soomaaliya wali wax war ah kama soo bixin oo ku Aadan hadalka Hanti Dhowrka Dowladda ee ah in Shaqadiisii laga hor istaagay.
Halkaan Hoose ka dhageyso Codka Dr. Nuur Jimacaale Faarax