Taliska Ciidamada Booliska Gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay warar sheegayay in Ciidamo ka socda Dowladda Itoobiya ay qeyb ka yihiin Dagaal beeleed ka dhacay Xadka Gobolka Hiiraan uu la wadaago Itoobiya.
Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Hiiraan Isxaaq Cali Cabdulle ayaa KNN u sheegay in ay Wararkaasi ay been yihiin islamarkaana Dadka Dagaalamaya ay yihiin Maleeyshiyo Hubeysan.
“Warbaahinta ayaa Warar been ah Baahisay oo aysan Hubsan Dagaalka ka dhacay Xadka Hiiraan uu la wadaago Dowladda Itoobiya waxaa uu u dhaxeeyaa Maleeshiyo Soomaali ah ma jirto Ciidamo Itoobiyaan ah oo qeyb ka ah”ayuu yiri Isxaaq.
Dhawaan ayey aheyd markii ay soo baxeen in Dagaal ka dhacay Degaanka Abaaley uu dhexmaray Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Maleeshiyo Soomaali ah,iyadoona la soo wariyay in Ciidamada Itoobiya ay Gacan siiyeen Maleshiyo Soomaali ah.
Halkaan Hoose ka dhageyso Codka