Warbixin:- Afrika oo sameysaneysa Urur ka hortaga Al-Shabaab & Boko Haram

0

Madaxweynaha Wadanka Ghana John Mahama oo saxaafada wajahaye kadib shirkiii madaxda Galbeedka afrika , ayaa kahadlay qatarta kooxda Boko Haram iyo Xarakada Al-Shabab ee gobolkan Afrika kadagaalama.

Mahama ayaa sheegay in kooxda Boko Haram qatarteedu ay tahay mid sareesa loona baahanyahay in la’iska kaashto ladagaalanka Kooxdan isagoo cadeeyay in ay raadinayaan dhismaha urur kadhan ah kooxdan oo galbeedka afrika looga dhawaaqo fasaxna looga raadsho dhanka Midowga Afrika.

“Boko Haram waxa ay umuuqataa mida ugu qatarta badan qaarada afrika qaasatan wadanka Nigeria,waxaa sidoo kale iyaguna qatartoodu ay muuqataa Al-shabab oo qatar kuhaya wadamada Somalia iyo Kenya” ayuu qudbadiisa kusheegay madaxweynaha wadanka Ghana Mahama.

Al-shabab oo ka aas-aasan Somalia ayaa weeraro dhiig badan ay kudaateen Kafuliyay gudaha dalka iyo wadanka Kenya ,BoKo Haram ayaa iyana bishan gudaheeda ilaa 4,000 oo ruux ku xasuuqay wadanka Nigeria.