PERTH, Australia (Wakaalada.com) – “Waxaan bogaadinaynaa oo aan si kal iyo niyad ah usoo dhawaynaynaa go’aanka ay Mudanayaasha Baarlamaanka Somalia ku taageereen in la kala diro xukuumaddii uu maalmo ka hor soo dhisay R/wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke” ayaa lagu bilaabay war-saxaafadeed ay goor dhow soo direen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Australia.
Qoraalka oo ahaa mid talo iyo tusaaleyn dhab ah xambaarsan ayaa ugu horeyn waxa ay jaaliyaddu u riyaaqday tallaabada geesinimada leh ee ay ku ansixiyeen Xildhibaanadu in muddo 14-cisho ah la siiyo R/wasaaraha sida uu codsadayna uu mudadaasi kusoo dhisi doono Gole-Wasiir oo heer qaran ah.
“Hadaanu nahay Soomaalida Australia, waxaa na wareeriyey Soomaali hadaan nahay khilaaf-siyaasadeed Xukuumad kasta oo rajo laga filayey fiilada u jara, ee waxaan doonaynaa inaan R/wasaaraha dalka ku boorino inuu keeno Xukuumad tayo leh oo muran iyo is-qabqabsi dambe meesha ka saari karta si loo helo Dowladimo loo dhan yahay oo danta dadka Soomaaliyeed u dadaasha” ayaa lagu yiri qoraalka.
Qoraalkan oo uu ku saxiixnaa Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia Mudane Xasan Maxamed Cigaal (Xasan Dhoombe) ayaa ugu dambeyn loogu baaqay Baarlamaanka Somalia inaanay iyaguna tafaraaruq dambe la iman oo aysan is-hortaag ku samaynin Wasiirada uu fikirka iyo wadatashiga ka dib lasoo shir-tagi doono R/Wasaare Sharma’arke.