(Dhageyso) Xildhibaan Maclow Oo Fariin u Diray Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid.

0

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud Maclow oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa fariin u diray Ra’iisul wasaaraha taasi oo ku aadan in uu soo dhiso xukuumad tayo leh oo dalka iyo dadka wax u qabata.

Xildhibaanka ayaa sheegay in isbedalka dhacay uu ahaa mid u wanaagsan shacabka Soomaaliyeed maadaama wasiiradii la magacaabay ay baarlamaanka mucaarad kala kulmeen.

Waxa uu tilmaamay in hadda shaqsi ahaan uu rumeysan yahay in Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid uu soo dhisi doono xukuumad Tayo leh, islamarkaana dadkeeda noqdaan kuwo karti u leh howlaha horyaala.

“Ra’iisul wasaaraha inuu tixgeliyo talooyinka macquulka ah ee aan horay loo tixgelin, sidoo kalena waxaan aaminsanahay inuu soo dhiso xukuumad tayo leh oo dalka iyo dadka wax u tarta” ayuu yiri Xidhibaanka.

Xildhibaan Macloow ayaa mar uu soo hadal qaaday wasiiradii uu la laabtay Ra’iisul wasaaraha ayaa tilmaamay in markii horeba qaab dhismeedkooda aan aad loola dhacsaneyn, hase ahaatee hadda laga filayo Ra’iisul wasaaraha wada tashi in uu kusoo dhiso xukuumadda.

Halkaan Hoose ka dhageyso: