(Dhageyso) Maamulka Dagmada Ceeldheer Ee Gobolka Galgaduud Oo Codsanaya Gar Gaar Dag Dag Ah.

0
Maamulka Degmadda Ceeldheer ee Gobolka Galguduud ayaa ka warbixiyay Xaaladda Nolosha dadka ku nool Halkasi gaar ahaan waxa ay ka hadleen dhinaca Biyaha.
Maxamuud Axmed Cumar oo ka tirsan Masuuliyiinta Degmadda Ceeldheere ayaa sheegay ineysan ku filneyn Ceelasha biyaha bixiya dadka u baahan biyaha Xiligan waxana uu sheegay iney biyaha ka idlaadeen ceelashii biyaha laga qaadan jiray.
Waxa uu ugu yeeray Masuulkasi dhamaan cidkasta oo gacan ka geysan karta arintan iney gurmad u fidiso dadka iyo duunyada ay saameysay biyo yaridan ka soo cusboonaatay Ceeldheer.
Hoos Ka Dhageyso: