Eebbe naxariistii Janno haka waraabiyee waxaa goor-dhaw Cusbitaal kuyaal magaalada Hargeysa ku geeriyoodey fannaankii weynaa ee caanka ahaa Marxuum Maxamed Axmed Kuluc, kaasoo maalmihii u dambeysey ku xanuunsanaa, isla cusbitaalka uu ku geeriyoodey.
Marxuum Maxamed Axmed Kuluc ayaa isagu kamid ahaa aabayaashii fanka soomaalida, kaasoo lagu tirin jirey inuu kamid ahaa dhawrka fannaan ee ugu horeeya dhinaca fanka Soomaalida.
Geerida Marxuumka ayaa waxaa aad oga naxey dad fara badan oo aad u xiisiiye heesaha iyo fankii Marxuumka, kuwaasoo wax badan aad u tabi doona qaab-masrixeedkii quruxda badnaa ee Marxuum Kuluc.
Daahir. F. Afdheere
Email. Owsame1@yahoo.com