Dhageyso:Urur Dhalinyaro Oo Looga Dhawaaqay Magaalada Dhuusamareeb Iyo Amaro…

0

Dhawaan waxa kulan uu ka dhacay Magaalada Dhuuso mareeb ee Gobolka Galgaduud halkaasi oo lagu aas aasay Urur dhalinyaro oo Hormarka Magaaladaasi ka shaqeyn doona.

Kulankaasi lagu doortay Ururkaasi dhalinyaro waxa xigay kulan kale oo dhalinyaro ay qabteen kuna qaadaceen sida loo dhisay Ururkaasi ayna kasoo horjeedaan.

Arintaasi waxa ka hadlay Maamulka Degmada Dhuuso mareeb iyagoona Amar kasoo saaray in shir aan lagu soo war gelin maamulka la qaban karin sida uu sheegay Macalin Cabdiraxmaan Cali Axmed (Geedo Qoroow) oo ah Gudoomiyaha Degmada Dh/mareeb.

Waxa uu sheegay in Amarkaasi ay kaga goleeyihiin Xaqiijinta Nabad gelyada maadama Dhuuso mareeb ay marti gelin doonto dhawaan Shir 8 Beelood oo deggan Gobolka G/gaduud iskugu imaanayaan laguna heshiisiinayo.

 

Halkan Hoose Ka Dhageyso