(Dhageyso) Gadiidka Isaga Kala Goosha Muqdisho Iyo Baydhaba Oo Maalintii Shanaad Shaqeynayn.

0

Waxaa maalintii Shanaad aan shaqeyn gaadiidka isaga kala gooshayay magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhaba ka dib markii darawalada gaadiidkaasi ay sheegeen in xaalad amni dari ay ka jirto wadada isku xirta magaalooyinkaasi.

Darawaladaan ayaa dibad bax ay ka dhigeen magaalada Baydhaba waxa ay ku sheegeen in rag hubeysan oo ku labisan dareeska ciidamada dowladda ay dhibaato kala kulmeen, islamarkaana illaa dowladda wax ka qabato arintaasi anay shaqeyn doonin.

Rakaabka ayaa la kulma dhibaatooyin isugu jira dil, dhac iyo sidoo kale in qoriga afkiisa hore lagu garaaco.

Isbaarooyinka ugu badan ayaa yaalla deegaano ka mid ah gobalka Shabeelaha Hoose, mana jirto weli wax laga qabtay cabashada dadkaan ay qabaan.

Halkaan Hoose ka dhageyso: