(Sawiro) Wasiirkii hore ee Wasaaradda Kalluukeysiga iyo Kheyraadka Badda Oo Aas Qaran Muqdisho Loogu Sameeyay.

0

Allaha u naxriistee Wasiirkii hore ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee xukuumadda Ra’isulwasaare Cabduweli Sheekh Axmed oo saakay ku geeriyooday magaalada Muqdisho ayaa waxaa aas qaran loogu sameeyay isla magaalada Muqdisho, waxaana aaskaasi ka qeybgalay Madaxweynaha Jmahuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Afhayeenka Barlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “ Jawaari’ iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo tacsi u direy dhamaan ehelada, Asxaabta iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed geeriyada ku timid Mudane Maxamuud Colow Barrow Wasiirkii hore ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda.

Sidoo kale Mas’uuliyiintii goobta aas ka dhacayay ka hadashay ayaa ka tacsiyeeyay geerida Wasiirki hore ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda Alaha u naxriistee Maxamuud Colow Barrow.

Hoos Ka Daawo Sawirada:

DSC03119

DSC03120

DSC03122

DSC03129

DSC03130

DSC03151

DSC03152

DSC03157

DSC03193

DSC03198

DSC03204