FAAHFAAHIN:- Qarax miino oo lala eegtay mid kamid ah saraakiisha ciidanka dowladda

0

Qarax xoogan oo lagu soo xiray gaari nooca raaxada ah ayaa waxa uu goor dhow ka dhacay Xeradii Ciidamada 77 ee Degmada Dayniile.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xoogan ayaa waxaa lagu soo xiray gaari Kaarib ah oo uu watay mid kamid ahaa Saraakiisha Ciidanka Militariga ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, sida laga soo xigtay Sargaal ka tirsanaa CXD.

Inta la Ogyahay Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay ninkii gaariga iska lahaa, sidoo kalana waxaa ku dhaawacantay saddex ruux oo kale, oo middi la sheegay inuu ahaa askari ka tirsan Ciidanka Militariga Somaliya.

Ugu dambeyntii, Saraakiisha Dowladda ee ka howlgala Gobolka Banaadir ayaan weli wax war ah kasoo saarin qaraxa khasaaraha geystay, ee caawa ka dhacay Caasimada.