DAAWO: Afhayeenkii Koonfur Galbeed oo ku dhawaaqay Iscasilaad, Shariif Xasan oo uu dhaleeceeyay iyo kashifaad

0

Waxaa si rasmi ah isku casilay Afhayeenkii Maamulka Koonfur Galbeed Somaliya Siyaad Sheekh Cumar Shekh Daahir, oo xilkaasi soo haayay labadii bilood ee ugu dambeysay.
Siyaad Sheekh Cumar oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu kaga dhawaaqay is casilaadiisa, isagoona si xoogan u weeraray Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Siyaad, ayaa yiri “Shariif Xasan wuxuu iska indho tiray ku dhaqanka Dastuurka. Wuxuu ku tuntay Dastuurkii, waana naga diiday in uu wax naga maqlo. Anigana waxaan go’aansaday inaan is casilo.”
Waxa kaloo uu yiri “Madaxweynaha waxaan ku iri waa inaad soo magacawdaa Madaxweyne Ku Xigeen, wuxuu yiri waxaan soo magacaabi doonaa lix bilood ka dib. Sidoo kale wuxuu diiday in la dhiso Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed.”
Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu yiri “Magaalada Baydhabo waxaa ka taagan nuux-nuux siyaasadeed oo ay qabaan beelaha qaar, waxaa u cuntami la’ qaabka uu u soo magacaabay Golaha Wasiirada. Si Cadaalad ku jirto looma magacaabin Wasiirada.”
“Madaxweynaha hadda waa ka maqan yahay Magaalada Baydhabo, Baydhabo ma jooggo Madaxweyne Ku Xigeen.” Ayuu sii raaciyay Siyaad Sheekh Cumar.
Ma jirto wax jawaab ah oo uu ka bixiyay Hogaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed, oo booqasho ku joogga Magaalada Muqdisho.

HALKA HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA