(Dhageyso) Mungaab oo baaq u diray dadka qurbaha degan ee guryaha aan dhisneyn ku leh Muqdisho.

0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna duqa Muqdisho General Xasan Maxamed Xuseen Mungaab aya qurbo joogta Soomaaliyeed ugu baaqay iney si deg deg ah ugu soo laabtaan Dalka isla markana ay dayactiraan guryaha burbursan ee ku leeyihiin Caasimada Muqdisho. 

General Mungaab ayaa Sidoo kale sheegay in bilicda Caasimada muqdisho ay ku xeran tahay in la dayactiro guryaha burbursan ee ku yaalla Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir waxa uuna xusay Mungaab in Shacabka reer Muqdisho ay badankooda dayactireen guryihii ay ku lahaayeen Caasimada Muqdisho balse ay meesha ka baxday Kaalintii qurbo joogta Soomaaliyeed ee guryaha ku leh Muqdisho.

General Xasan Maxamed Xuseen Mungaab Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in amniga Caasimada Muqdisho uu yahay mid la isku haleyn karo isla markaana ay muhiim tahay in qurbo joogta Soomaaliyeed ay ku soo laabtaan Dalkooda ayna ka qeyb qaataan hormarka ka soconaya Gobolka Banaadir.

ugu dambeyn Gudoomiyaha Gobolka Banaadir General Mungaab ayaa Shacabka Gobolka Banaadir ugu mahad celiyay sida wanaagsan oo ay diyaarka ugu yihiin iney dhistaan Gobolkooda isla markaana ay ka qeyb qaataan hormarinta iyo adkeynta amniga Casimada Muqdisho.

Maamulka Gobolka banaadir ayaa ku dadaalaya soo celinta bilicda Caasimada Muqdisho iyo sugida amniga Magaalada Muqdisho waxana hada Gobolka Banaadir ka soconaya howlo mashaariic oo fara badan sida naleynta iyo dayactirka Wadooyinka Magaalada Muqdisho, dhismaha iyo hormarinta Xarumaha danta guud.

Hoos Ka Dhageyso Codkiisa.