Pro Axmed Ismaaciil Samatar ayaa waraysi uu bixiyey wuxuu uga hadlay arimo badan oo Quseeya guud ahaanba soomaaliya, waxaana ugu horayn wax laga waydiiyey Shirkii IGAD ee dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho.
Wuxuu sheegay inuu shirkaasi yahay Badhaadhe, Maadama magaalada muqdisho mudo dheer kadib lagu qabtay Shir ay isugu yimaadeen wadam dhowr ah.
Pro Samatar ayaa sidoo kale wuxuu si adag uga hadlay magacaabista RW Cumar iyo golohiisa wasiirada, Wuxuuna ku eedeeyay in Beelaha Daarood iyo Hawiye ay qaataan Labada Jago ee u saraysa dalka, dadka kalana Hanbada la siiyo.
Wuxuu sheegay in Wasiirka arimaha debeda Soomaaliya Dr: Bayle aanu waxba kala socon Wasaaradiisa awoodna uusan u lahayn inuu magacaabo Safiiro, Wuxuuna sheegay in warqad diyaarsan loo keeno kadibna uu Saxeemo.
HALKA HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA: