(Warbixin xasaasi ah) Barakac ka billowday magaalada Kismaayo iyo Horjooge Axmed Madoobe oo ku hanjabay dil hor leh

0

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya inay ka jirto casbi aad u xooggan kadib markii ay bareen dilalka ay geysanayaan maleeshiyaadka Horjooge Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo qaab heyb qabiil ah u beegsanaya dadka.

Dadka Kismaayo lagu dilay waxaa ka mid ah dad miisaan culus ku leh jiritaanka umadnimada Soomaaliyeed kuwaasoo ahaa Macalimiin Dugsi balse maleeshiyaadka Raaskambooni inta ay guryahooda kala baxeen deetana ay meydadkooda soo dhigeen xeebta Kismaayo.

Qof ku sugan Kismaayo ayaa warbaahinta Allgalgaduud u sheegay in dadka shacabka ah ay magaalada isaga baxayaan.

“Dadka walaal magaalada ka guuraya oo qaxaya waxaa u badan dadkii danyarta ahaa ee dadkoodii iyo ehelkoodba horay nimkan Raaskambooni ay u dileen” ayuu yiri Aabbe shalay ka qaxay Kismaayo.

Waxa uu sheegay in dadka aysan garanaynin meel ay aadaan oo ay ka baqayaan inay ku waxyeeloobaan tacadiyada ka socda Kismaayo oo maamulka beeleedka uu geysanayo.

Xaalad cakiran ayaa ka taagan magaalada Kismaayo, waxaana horjoogaha maleeshiyada Raaskambooni Axmed Madoobe uu amray in la laayo dhammaan dadka aan u dhalay beesha Ogaadeen, waxaana si gaar ah hadda loo beegsanayaan beelaha Mareexaan iyo Sheekhaal.