Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa difaacay go’aanka uu ku soo magacaabay Xukuumaddiisa, isagoo sheegay inuu soo dhisay Xukuumad dheelitiran oo ay ku jiraan xubno kala matalayay dhinacyadii siyaasadda isku hayay.
Waxaa uu sheegay inuu la fariisan doono Xildhibaanada diidan Xukuumadiisa, kana dhaadhicin doono waxa ay tabanayaan, hase ahaatee waxaa uu ku dooday in sababta uu u soo magacaabay qaar ka mid ah Wasiiradii Xukuumaddii hore ay tahay in aysan hakad gelin howlihii muhiimka ahaa ee la soo qabtay
“Maadaama wakhtiga dowladda u haray ay yar tahay, waxaa go’aansadan inaan soo magacawno wasiiradii xukuumadii hore, si aan howlihii horay loo qabtay ee muhiimka ahaa aanu u hakan”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Sharma’arke.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu rajo weyn ka qabo in Xukuumada cusub ay heli doonto codka kalsoonida, isagoo xusay inuu Xildhibaanada ka soo horjeeda uu ku qancin doono wada hadal sida uu yiri.
Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo labo cisho ka hor soo magacaabay Xukuumadiisa ayaa durbaba waxaa ka hor-yimid mucaarado xoog leh oo dhanka Baarlamaanka, kadib markii xubno ku jiro ay ahaayeen kuwo sabab u ahaa khilaafyadii labadii xukuumadood ee la riday.
Dadka odorasa siyaasada ayaa shaki badan gelinaya qaabka ay xilligan kalsooni ku heli karto Xukuumadan, maadaama badi Xildhibaanada ay ka soo horjeesteen, dadka qaar ayaa qaba in tani tahay markii u horeysay oo Xukuumad dhan oo la soo dhiso la diido, ka hor inta aan Baarlamaanka la horgeyn.