Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey oo la hadlay Idaacada VOA ayaa soo dhaweeyay Wasiirada Cusub ee uu Magacaabay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmaake.
Maxamed Cabdi Afeey ayaa sheegay inn IGAD ay soo dhaweyneyso Wasiirada Xukumadda Soomaaliya islamarkaana ay la shaqeyn doonto Xukumadda Soomaaliya.
Sidoo kale Wakiilka IGAD ee Soomaaliya ayaa Baarlamaanka ugu baaqay in ay Codka Kalsoonida siiyaan Wasiirada Cusub si ay u siiwadaan Howlaha horyaala Xukumadda Cusub.
Ra’iisul Wasaare Sharmaake ayaa Wasiiradiisa Baarlamaanka hor geenaya Sabtida soo socota si Codka Kalsoonida loogu qaado,iyadoona Xildhibaano kamid ah Baarlamaanka ay ka soo horjeesteen.
Halkan ka dhageyso: