Eng. Idiris Xasan Faarax oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Finland ayaa ku eedeeyay maamulka KMG ee Jubba in ay ka dambeeyaan dilalka ka dhaca magaalada Kismaayo ee gobalka Jubbada Hoose.
Waxa uu sheegay in ay cadahay dadka dhintay in maleeshiyada Raaskambooni ay ka dambeeyaan, isaga oo taasi u sababeeyay maleeshiyo beeleedka oo uu tilmaamay in dadka ay xiraan la dilo.
“Aniga waxaan aaminsanahay in dilalka dadkaasi ay ka dambeeyaan maleeshiyo beeleedka uu hogaamiyo Axmed Madoobe, dadka iyaga ayaa xira meydadkooda ayaa habeen iyo maalin laga soo qaadayaa Xeebta” ayuu yiri Idiris Xasan Faarax.
Eng.Idirs ayaa dhanka kale sheegay in xilli walba ay ka war hayaan dhibaatooyin uu tilmaamay in Kismaayo ay ka jiraan laguna haayo dadka shacabka ah, isaga oo tilmaamay in wadarta guud dadkii la dilay ay 176 ruux yihiin waa sida uu hadalka u dhigaye.
Halkan Hoose Ka Dhageyso
.