Maqaal:Kuwa Sheegta Aqoonyahano Iyo Xildhibaano Ee Ka Soo Jeeda Beesha Sade "Waxaad Noola Mid Tihiin DAMEERO MALAB LAGU RARAY).

0

Waxaa ugu Horeynti salaamayaa dhamaan Ummada Soomaaliyeed Gaar ahaana beesha Sade meel kasta oo ay Dunida ka joogaan ASC WR WB.

Bacda Salaan, Intaan ujeedka qoraalkayga u guda galin,Waxaa waajib muqadas igu ah Sidaan Soomaalinimada uga difaacayo cadowga shisheeye iyo sokeeyaba inaan Sadena uga Difaaco cadowga noocuu doonaba ha noqdo’e.

Kuwa Sheegta Aqoonyahanada Ee Ka Soo Jeeda Beesha Sade.

Waxaan maanta doonayaa inaan si toos ah oo Soomaali iyo Sadena ay marqaati uga wada noqdaan inaan Kuwa sheegta inay yihiin Aqoonyahanada iyo Xildhibaanada ee ka soo jeeda Beesha Sade ulla hadlo, si aysan beri u oran waxba kama aynaan ogeyn.

Kuwa sheegta inay yihiin Aqoonyahano ee ka soo jeeda Beesha Sade waa DAMEERO MALAB LAGU RARAY, sababtoo ah, shaqsigu markuu aqoon leeyahay dadka waxuu ku hagaa amaba ugu baaqaa wax wanaagsan oo dhalaya Horumar, 24/saac waxaad xirataan qadad telefoon oo aan haba yaraato’e miro dhal lahayn halkaas ayaadna adinkoo wada codweyn waxaad isugu yeertaan Dr. Hebel iyo Prof. Hebel, saa waxuu dhahaa mid walbaa oo idinka mid ah hadalkana ku bilaabaa (Aniga Waxay Ila Tahay) waxna kama soo baxaan kulamadiina, dadkana umma horseedaan dhan walba wado horumar leh. Soo marka lama mid tihiin (DAMEERO MALAB LAGU RARAY)?

Allaah Subxaanahu Watacaalaa waxuu na yiri qofki ama qoowmki wax wanaagsan sameeyaa ku dayda, bal Allaan idinku dhaarshaye eeg Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Dr. Cabdiraxmaan Faroole, Soomaali oo dhan mar walbaa waxay ka Hormarshaan Danta beesha ay iyagu ka dhasheen, waana ku amaanayaa, sababtoo ah Soomaalinimo waa la diiday, maxaa adinkana idiin diidaya inaad Danta beesha Sade ka hormarisaan danta cid walba? Haddaba soo halkaasna kama muuqato in Aqoontiinu la mid tahay (DAMEERO MALAB LAGU RARAY).

Sidoo kale waxaad tihiin kuwo mar walbaa dadyoow kale iyo xaafado kale hoos fadhiya, maxaa idiin diidaya inaad dadkiina iyo deegaanadiina dhex fadhiisataan? marka dhankan la eegana soo lama mid tihiin (DAMEERO MALAB LAGU RARAY)?

Waxaad arkaysaa inayba ka cararayaan Dadkoodi iyo Degaanadooda, waxaana daliil u ah markaad ku aragto goobaha Cafe-ga lagu cabo waxay hoosta uga jiraan dadyow kale iyagoo oranaya siyaasada ayaan falanqeynaynaa, mararka qaarna sida loo falanqeynayo ayaa waxaa eedeeyn iyo cambaareyn dusha looga tuurayaa Dowladdi Kacaanka ahayd ee uu hogaaminyay Allaha U Naxariistee Madaxweyne Maxamed Siyaad Bare, waad yara sugeysaa oo waxaad eegaysaa toloow maxuu ku jawaabi doonaa, waaba aamusayaa ama waa uu jiibinayaa, haddii uu isagu soo haadal qaado dambiyadi ay galeen USC, SNM, SDM, SPM iyo SSDF halmar baa hareeraha looga soo boodayaa oo afkaa la goosan. Ninka aqoonyahanka ah ee garan waayay waxay garteen saaxiibadiis iyo ujeedkooda dhabta ah Toloow gari labanin kama qoslisee soo xaq umma lihi inaan ugu yeero waxaad tahay (DAMEERO MALAB LAGU RARAY).

Dhinaca kale waa iga su’aale weli miyaad aragteen Aqoonyahan beesha Sade u dhashay oo ka hadlaya danta beesha Sade? jawaabtu waa maya toloow ma wejigay Cadho (Baras) ku leeyihiin maxaa u diiday? jawaabtu waa sahal markoodi hore ayaa waxaan isu dheeli tirneyn Cilmigay Barteen iyo Caqligooda taas ayaana sabab u ah inaan ugu yeero waa (DAMEERO MALAB LAGU RARAY).

Gabagabadi iyo Kuwa Sheegta Aqoonyahanada Ee Ka Soo Jeeda Beesha Sade dhamaantoon markaad isu geyso xaqiiqdi kuma uu jiro mid dhiil dhacday toosin kara, sababtoo ah haddii uu ku jiro waxaad arki lahayn, iyagoo u heelan Horumarka iyo difaaca danaha beesha Sade, nasiib daro lama arag haddii la arkayna waa hal ama laba, sidaa awgeed waxaan ugu yeereynaa waxii hadda ka dambeeya (DAMEERIHI MALAB KU RARNAA).

Kuwa Sheegta Xildhibaanada (Xilmadhibeyaasha) Ee Ka Soo Jeeda Beesha Sade.

Kuwan umma ay baahna in aan ka qoro qoraal dheer ama waqti badan inaan iska galiyo xaqiiqdi dhamaantood marka leysu geeyo 14-koodaba waxaa ka Qiimo, Karti, Garasho iyo Damiir wanaagsan Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah gabar Soomaaliyeed. waxaana oranayaa waa (DAMEERO MALAB LAGU RARAY).

Wabilaahi Towfiiq

Maxamed Cumar Guuleed
Nairobi, Kenya