Dhageyso: Wasiirka beeraha xukuumadda cusub: ''Aniga isma casilin waa been abuur''

0

Wasiirka cusub ee beeraha xukuumadda Ra’iisul wasaare Sharmaarke ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu iscasilay.

Xildhibaan Xuseen Sheekh Maxamuud Xuseen ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin warar sheegaya inuu iska casilay xilka wasiirnimo ee loo magacaabay.

Wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay in loo magacaabo mar kale wasiirka beeraha dowladda Soomaaliya.

Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud Xuseen ayaa 2012-dii soo noqday Raysal wasaare ku xigeen ahaana wasiirkii beeraha ee xiligaasi.

Halkan ka dhageyso: