Deg-Deg: Xildhibaanno baarlamaanka ka tirsan oo ka hor-yimid golaha wasiirada cusub

0

Warar aan helnay ayaa sheegaya in Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka uu ka soconayo Kulan ay leeyihiin 92 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya waxaana ay ka soo horjeesteen Magacaabista Golaha Wasiirada Soomaaliya ee Xalay lagu dhawaaqay.

Xildhibaanada ayaa sheegay in Wasiirada la soo Magacaabay ay yihiin kuwii ugu Tayada Xubaa oo Abid soo mara Dalka Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa waxaa kamid ah Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/laahi Goodax Barre iyo kuwo kale oo ku soo biiray Xildhibaanadii Taageersana Xukumaddii C/wali Sheikh Axmed.

Xildhibaan Bishaar Ugaas iyo Xildhibaan Kulalihi oo aan la hadalnay ayaa sheegay in Kulanka Xildhibaanada u Socda ay sicad ugua soo horjeedaan  Wasiirada Xalay Ra’iisul Wasaare Sharmaake uu soo Magacaabay.

Arrinta ayaa u muuqata in Hada Xildhibanadu ay kala jabeen,iyadoona la xasuusto in Baarlamaanka aysan Kulan yeelan mudo  15 Cisho ku dhaw.