WARAAQ FURAN OO KU SOCOTA RAYSALWASAARE SHARMA ARKE.

0

Mudane waan ku salaamay,  waxaan qoraalkan kuug soo gudbinayaa inuu uu kuu noqdo warbixin, digniin iyo talo bixin.

Waxa la yiri bahal ceerin ma daayo nina caadadii ma baajiyo, durba waxaa muuqata in tareenkii kuula dhaqaaqey jidkii bahala galeenka ahaa ee laga qaniinay mudane Saacid iyo C/Weli Shiikh.

Haddii aad ogtahay iyo haddii kaleba durba waxaa kugu dhacday dhowr dakhar intii aan lagu horgeyn baaralamaanka iyo ansaxintaadii kadiba.

1-Xafaladii aad xilka kagala wareegeysay mudane C/Weli, adigoo aan xilkiiba la wareegin  wuxuu Madaxweyne Xasan goobtii kaga dhawaaqey in dad badan oo ka mid ah golihii wasiirada ee hore oo rag iyo dumarba leh ay soo noqonayaan oo ay ka mid noqonayaan golaha wasiirada ee cusub, taasina waxay muujinaysaa bahdil laguugu talo galay.  Suaashuna waxay tahay yaa magacaabaya golaha wasiirada, ma Xasan Shiikh mise Raysalwasaaraha?

2-Madaxweyne Xasan Shiikh wuxuuu wadahadalo ka furay Jabuuti iyadoo aanu dalku lahayn xukuumad, iyo adigoo aan wax talo ah ku lahayn wada hadalkaas, taasi waxay muujineysaa in aanay waxba kala maqneyn Madaxweyene Xasan haddii ay xukuumadi jirto iyo haddii kaleba.

3-Isla Jabuuti waxaa lagu ballamay in bisha febraayo 2015 mar labaad lagu kulmo dalka Turkiga iyadoo aan wax talo ah loo hambeyn xukuumada imanaysa.

4-Shirkii IGAD ayaa si kas ah loogu mudeeyey Muqdisho iyadoo weli dalku aanu xukuumad lahayn, taasoo wiig iyo lababa dib loo dhigi karayey, laakiin arrintu waxa weeye maahmaahdii ahayd qof jooga oo aan loo hambeyn iyo qof maqan oo aan la tebin.

SHIRKII IGAD IYO SAAMAYNTIISA.-

Qodobada shirkaas ka soo baxay dhamaantood waxa ka muuqatay fartii iyo khadkii lagu yaqaanay Madaxweyne Xasan iyo kooxdiisa mana ahayn qodobo khuseeya urur goboleed , dhamaantoodna waxay ahaayeen kuwo lookal ah oo heer gobol iyo heer degmo ee dalka soomaaliya ka hadlaaya.

QODOBA  AAD LOOGA DHEX ARKAAYEY FIKRADIHIISII GABOOBAY EE UU CAANKA KU AHAA XASAN SHIIKH WAXA LAGA XUSI KARAA.-

1-IGAD waxay soo dhaweysay wadahadaladii iyo heshiisayadii dhex maray Jubbaland, maamulka koonfur galbeed , Somaliland iyo DFS,  hase yeeshee lama soo qaadin heshiiskii dhexmaray Puntland iyo DFS ee IGAD, UN, Reer Yurub iyo marti sharaf badani goob joog ka ahaayeen.

2-IGAD waxay soo dhaweysay in deg deg loo dhiso maamul goboleedkii gobolada dhexe oo ay ku sheegeen Mudug iyo Galguduud, taasoo loo fasirtay in IGAD laga sxeexday in gobolka mudug dhamaantiis la raaciyo maamulka loo dhisaayo gobolada dhexe, iyadoo IGAD iyo caalamkuba hore u cadeeyeen in waqooyiga mudug aanay shaqo ku lahayn maamulka laga dhisaayo gobolada dhexe.  Maxaa isbedalay?

3-IGAD waxay sheegtay in Hiiraan iyo Shabelada dhexe deg deg maamul loogu sameeyo.  Taas waxa macnaheedu yahay in meesha looga saaro sida dastuurku qabo gobol iyo bar maamul goboleed ma noqon karee ha lagu soo biiriyo Hiiraan iyo Shabelada dhexe maamulka loo dhisaayo gobolada dhexe.

4- IGAD waxay soo dhaweysay in dhul badan laga xoreeyey Al-shabaab laakiin kama hadlin dhulka weli ku harsan gacanta al-shabaab goorta laga xoreynaayo, taasi waxay markhaati fur u tahay in Xasan Shiikh aanu rabin oo weliba si bareer ah ugu keydinayo al-shabaab Gobolada Jubooyinka iyo Gedo, isagoo raba in horumarintii goboladaasi uu caalamku ugu talo galay meel kale loo leexiyo.

5-IGAD waxay soo dhaweeyeen ciidamo ay yiraahdeen waa la isku dhafay iyadoo aanay jirin wax ciidamo ah oo la isku dhafay.  Taas Xasan Shiikh iyo kooxdiisu waxay rabaan inay  ku sharciyeystaan ciidamo beeleedka xamar iyo agagaarkeeda lagu hubeeyey inay u muujiyaan ciidan qaran, iyadoo ciidamadii soomaaliyeed ee goboladana  la duudsinaayo xuquuqdoodii lana iska hilmaamaayo.

TALO SOO JEEDIN.-

Mudane, cid weliba waa ogtahay maanta in lagugu heysto inaad si xor ah u soo dhisto golahaaga wasiirada, waxaad dib u fiirisaa sababaha dhaliyey inay meesha ka baxaan 2dii xukuumadood ee kaa horeeyey.  Haddii aad rabto inaad ka badbaado dhibkii ay ku dhaceen iska ilaali dhowrakan qodob:-

1- Ha magacaabin wasiir aan kaa amar qaadanayn oo meel kale laga xukumo.

2-Habka madaxweynuhu ku tashkiiliyo wasiirada uuna uga hor keeno Raysalwasaarayaasha waxaa ka mid ah inuu kolba raxan raxan u kaxeysto wasiirada markuu safarada galaayo, taasoo uu ku tashkiiliyo inta ay safarada iyo firaaqda ku jiraan.   Wasiiradu ma aha waardiyayaal madaxweyne (body gaurds) ee waa inay ku ekaadaan xafiisyadooda iyo shaqadooda, madaxweynuhuna u kaxaystaa safaradiisa la taliyayaashiisa iyo shaqaalihiisa.

3-Yaanay dhicin adigoo Raysalwasaare qaran ah inaad maantoo dhan garoonka u taagnaato soo dhaweynta Xasan Shiikh sidii ay dalka imanayaan marti sharaf ajaanib ah, sidaasi waa sida uu ku bahdilo Xasan Shiikh Raysalwasaarayaasha.

4-Xasan Shiikh wuxuu caan ku yahay xukun jaceyl iyo qabyaalad sida kansarka u xushay, wuxuu isku dayayaa inuu ka muuqdo shir kasta oo arrimaha Soomaaliya looga hadlaayo xataa haddii heerkiisu yahay mid hoose si Raysalwasaaruhu xafiiskiisa ugu hurdoodo.

Xukun jaceylka madaxweynaha waxaa tusaale loogu soo qaadan karaa dhacdadan.   Taliyihii hore ee booliska Gen. Saacid oo ciidan boolis dalacsiiyey hal hal derajo (Min hal Alif) maalintii ku xigtay madaxweynaha ayaa ciidankii u yeeray oo u dalacsiiyey min Alifle, taasoo macanaheedu yahay waxba kama jiraan dalacaadii Taliyaha.

5-Xasan shiikh ma aaminsana shuruucda iyo dastuurka dalka, wuxuu dalka ku xukumaa amarka ka soo baxa afkiisa iyo waraaqo uu ka soo saaro xafiiskiisa, wuxuuna haystaan masuuliyiin aad daacad ugu ah oo aan aqoon badan lahayn oo tusaale loo soo qaadan karo hantidhowrka qaranka  iyo xeer ilaaliyaha qaranka  oo la dhaho HIS-QABO masuulkii la rabo in la ceebeeyo ama la xiro.  Tusaalena waxa kuugu filan isku shaandheyntii koobnayd ee dastuuriga ahayd ee Raysalwasaare C/Weli sameeyey oo uu yiri waa waxba kama jiraan, iyo amarkii ka soo baxay Hantidhowrka iyo xeer ilaaliyaha ee lagu bahdilaayey wasiiradii xukuumadii dhacday.

6-Madaxweyne Xasan Shiikh wuxuu caan ku yahay inuu Usha u jabsado oo raaco soona nabad hooyo Raysalwasaarayaasha, isagoo raadkooda guraayo.  Maanta haddii aad booqasho ku tagto Jubbaland beri ayuu kuu dabamarayaa oo wixii heshiis aad soo gashay  iyo wixii shaqo aad soo qabatay oo dhan soo burburianayaa. Taasna la soco.

7-Haddii aad isku dhacdaan Madaxweynaha, Guddoomiyaha baarlamaanku waa xagiisa. Taasna la soco.

8-Dad badani waxay dareensanyihiin wadahadalada u dhexeeya Xasan Shiikh iyo Siilaanyo in aanu muraadkoodu ahayn in la raadiyo midnimo soomaaliyeed ee uu salka ku hayo colaadihii iyo dagaaladii sokeeye ee soomaalida soo maray oo dad gaar ah lagu faquuqayo lloguna tashanaayo, si talada dalka waqooyi iyo koonfurba banaanka looga dhigo , dhulkoodana lagu dhaco si xoog ah.  Taasna la soco.

Ugu dembeyntii halkan kuma soo koobi karo dabinada iyo dhagaraha qarsoon ee lagula maaganyahay, waa inaad dhugmo lahaato oo dhiftin lahaato.

Xuseen Caroog Faarah

Sweden.